Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka Liverpool vs Sheffield United –

Liverpool oo ciyaarteedii hore ee horyaalka Premier League barbaro lasoo gashay naadiga Everton oo ay kulanka caanka ah ee Merseyside derby isku haleeleen ayaa Anfield kusoo dhoweynaysa Sheffield United, waxaanay xiddigaha Reds u dagaallami doonaan inay jidka kusoo laabtaan kaddib barbarrihii kooxda ay isku magaalada yihiin ay lasoo galeen.

Liverpool ayay kulankan dhaawac kaga maqan yihiin xiddigaha Virgil van Dijk oo xili ciyaareedkan oo dhan aan lagu xisaabtamayn, Alex Oxlade Chamberlain, Thiago Alcantara, Konstantinos Tsimikas iyo Joel Matip, waxaase usoo laabtay goolhaye Alisson Becker.

Sheffield United ayay iyagana ka dhaawacan yahay Max Lowe iyo John Fleck, laakiin tababare Chris Wilde waxa uu haystaa fursad aanu iska dayacayn oo ah inuu da’yarka Rhian Bewster ka hor geeyo kooxdiisii hore ee Liverpool ee ay xagaagan kasoo iibsadeen.

Tababare Jurgen Klopp ayaa shaxdiisa kusoo bilaabay goolhaye Alisson oo kasoo laabtay dhaawac, waxaana uu isbeddel ku sameeyey afkiisa hore oo uu kusoo wada bilaabay saddexlayda afka hore ee Salah, Firmino iyo Mane, kuwaas oo uu kusoo ladhay Jota oo isaguna afka hore ah oo xagaagii ay kasoo iibsadeen kooxda Wolves.

Difaaca dhexe ayaa waxa taagan Fabinho oo ka garab ciyaari doona Gomez, halka labada dhinacna ay joogaan Robertson iyo Arnold.

Goolhaye Adrian, James Milner iyo Jones ayaa kaydka fadhiya, waxaana kursiga ku wehelinaya Shaqiri, Phillips iyo Williams.

Shaxda rasmiga ah ee labada kooxood

Liverpool: Alisson, Alexander-Arnold, Gomez, Fabinho, Robertson, Henderson, Wijnaldum, Salah, Firmino, Jota, Mane.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More