Shaxda Rasmiga Ah Ee Barcelona vs Real Valladolid – Koeman Oo Hubkii

Ronald Koeman ayaa hubkiisa ugu culus lasoo shir tegay kulanka ay kooxdiisu ku qaabbilayso Real Valladolid, waxaanu kusoo bilaabay kabtan Lionel Messi oo hoggaaminaya shax ka kooban 3-4-3.

Barcelona ayaa ku ciyaaraysa qaab weerar ah, si ay guusha kulankan u hesho, taas oo u xaqiijin karta in ay kaalinta labaad ee horyaalka kala baxayaan Real Madrid, halka markaana hal dhibic kaliya u jirsato Atletico Madrid oo horyaalka hoggaaminaysa.

Tababare Ronald Koeman ayay kooxdiisu guulo xidhiidh ah kusoo jirtay bilihii ugu dambeeyey, waxaanay taasi keentay in ay hoggaanka ku qabsadaan Atletico oo iyaduna hoos usoo socotay.

Lionel Messi ayay afka hore wada taagan yihiin Ousmane Dembele iyo Antoine Griezmann, laakiin waxa kaydka ku jira Pjanic oo boos ka waayey kooxda iyo Martin Braithwaite oo horeba u sheegay inuu ku qanacsan yahay kursiga kaydka iyo xidhashada shaadhka Barcelona.

Khadka dhexe ayay wada taagan yihiin Pedri, Sergio Busquets, Jordi Alba iyo Sergino Dest, halka difaaca dhexena uu kusoo bilowday Frenkie de Jong oo buuxinaya booska Gerard Pique oo dhaawac kasoo laabtay, balse aan taam u ahayn ciyaartan. Lenglet iyo Mingueza ayaa De Jong ku wehelinaya difaac.

Barcelona ayaa ciyaartan kaddib isku diyaarin doonta kulanka El Clasico ee Real Madrid ay toddobaadka dambe wada ciyaari doonaan.

Shaxda rasmiga ah ee labada kooxood

Barcelona XI: Ter Stegen; Mingueza, De Jong, Lenglet; Dest, Busquets, Pedri, Alba; Messi, Dembélé, Griezmann (3-4-3)

Kaydka: Iñaki Peña (GK), Arnau (GK), Araujo, Umtiti, Firpo, Pjanic, Matheus, Moriba, Puig, Trincão, Konrad, Braithwaite

Real Valladolid: Masip; Janko, González, Sánchez, Olaza; Kodro, Mesa, Alcaraz, Plano, Martínez; Guardiola (4-5-1)

Kaydka: Pérez (GK), Rubio, Hervías, Álvarez, Moha, Villa, Rey, Waldo, Zalazar, André

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More