Shaxda Rasmiga Ah Chelsea vs Leicester – Tuchel Oo Isbeddello Sameeyey

Chelsea ayaa garoonkeeda Stamford Bridge waxay kusoo dhoweynaysaa Leicester Metropolis oo Sabtidii ka qaadday FA Cup, laakiin kulankan hadda oo ka tirsan horyaalka Premier League ayaa labada kooxoodba u go’aamin karaya xilli ciyaareedkan halka ay kaga dhamaysanayaan horyaalka.

Chelsea ayaa u dagaallamaysa in ay hesho guul iyo aargoosi, si ay Leicester Metropolis u xumaato rajadooda inay kasoo qayb-gasho Champions League xilli ciyaareedka dambe, sababtoo ah, waxa dhaafi doonta Liverpool haddii ay iyaduna kasoo badiso Burnley oo ay Arbacada la ciyaarayso.

Laakiin Leicester Metropolis oo iyaduna bandhig cajiib ah samaynaysay ayaa haddii ay guuleysato, waxay Chelsea u diri kartaa kaalinta shanaad iyagoo laba dhibic ka hoosayn doona Liverpool oo kaliya u baahnaanaysa in ay kulamadeeda badiso.

Thomas Tuchel iyo Brendan Rodgers ayaa shaxo adag kusoo bilaabay kulankan, waxaana mid walba uu garkiisa ugu halgamayaa in uu helo saddexda dhibcood ee kulankan, iyadoo barbarro ay galaanna ay u xun tahay Chelsea.

Tababare Tuchel ayaa soo qadday goolhaye Mendy oo labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey kaydka ku jiray, sidoo kalena waxa uu soo celiyey Christian Pulisic oo afka hore kala ciyaaraya Timo Werner, kuwaas oo uu caawin doono Mason Mount oo dhexda hore kusoo bilowday.

N’Golo Kante iyo Jorginho ayaa dhexda ku jira, waxaana caawinaya Ben Chilwell iyo Reece James.

Leicester Metropolis waxa iyadana ugu soo bilowday xiddigii u dhaliyey goolkii ay koobka FA Cup kaga qaadday Chelsea ee Tielemans oo ay dhexda ka wada ciyaarayaan Maddison iyo Albrighton, laakiin afka hore ayay wada taagan yihiin Perez iyo Vardy, halka Iheanacho uu kaydka la fadhiyo Hamza Choudhury.

Waxa kale oo uu Brendan Rodgers kusoo bilaabay kubbad-burburiyaha cajiibka ah ee Ndidi, halka difaacana ay wada taagan yihiin Soyuncu, Thomas, Fofana iyo Castagne.

Shaxaha rasmiga ah ee  labada kooxood

CHELSEA XI: Mendy, James, Azpilicueta, Silva, Rudiger, Chilwell, Jorginho, Kante, Mount, Pulisic, Werner.

Kaydka Kepa, Alonso, Abraham, Zouma, Kovacic, Giroud, Hudson-Odoi, Ziyech, Emerson.

LEICESTER XI: Schmeichel, Castagne, Fofana, Soyuncu, Thomas, Ndidi, Tielemans, Maddison, Albrighton, Perez, Vardy.

Kaydka Ward, Morgan, Iheanacho, Amartey, Choudhury, Pereira, Mendy, Praet, Fuchs.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More