Shaxda Macquulka Ah Ee Xulka England Kala Hortegi Doono Talyaaniga

Gareth Southgate wuxuu aaminsan yahay in England soo afjari doonto tobannaan sannadood oo dhaawacyo iyo qalbi jab ah, ayna qori doonaan taariikh marka ay habeen dambe iska hor yimaaddaan Talyaaniga.

Tababaraha England waxa uu qayb ka ahaa safkii sida niyad-jabka ah kaga hadhay Euro 1996, laakiin waxa uu ku hoggaamiyey qarankiisa inay yimaaddaan finalkoodii u horreeyey tan iyo Koobkii Adduunka 1966kii oo ay koobkana ku guuleysteen.

Hadda waxay joogaan finalka oo ay isku haleelayaan Talyaaniga oo aan laga soo badinin 33kii ciyaarood ee ugu dambeeyey, waxa se uu Southgate usoo jeediyey taageereyaasha 60,000 ka badan ee garoonka Wembley imanaya in ay xulkooda ku garab istaagaan sawaxan, iyagoo khalkhal gelinaya ciyaartoyda Talyaaniga.

Kulankan oo la saadaalinayo inay in ka badan 20 milyan oo qof oo kale oo Ingiriis ahi ka daawadan doonaan telefishanada, sidoo kalena malaayiin qof oo kale oo adduunyada kale joogaa ay daawadan doonaan, waxa Ingiriisku ku rajo weyn yahay in ay koobka qaadan doonaan.

“Waxa aanu haysanaa fursad weyn. Wax kasta oo dhaca hadda waxay ciyaartoydu qaadanayaan billad aanay tobannaan sannadood helin ciyaartoyda England, waanay u qalmaan.” Ayuu yidhi Southgate.

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa raaciyey: “Waanu ognahay baaxadda loollanka Talyaaniga laakiin waxa aanu nahay tartameyaal ay u caddahay waxay samaynayaan iyo waxa ay tahay fursadda ay haystaan, waxa aanu doonaynaa in aanu qorno taariikh.”

Si kastaba, Ingiriiska waxa niayd fiican siinaysa kaalintii ay ka galeen Koobkii Adduunka 2018 oo ay kaalmaha ugu dambeeya yimaaddeen, sidoo kalena waxay markii u horreysay haystaan shax isku mid ah oo ay ciyaartooyo da’yar ahi hoggaaminayaan 37 ciyaarood oo xidhiidh ah.

Gareth Southgate ayaa waxa laga doonayaa inuu kala doorto ciyaartoydiisa oo uu shax adag la yimaaddo kulanka Finalka, waxaana arrinta ugu weyn ay tahay sidii uu u kala xulan lahaa Bukayo Saka oo bandhig wanaagsan sameeyey iyo Phil Foden, halka Jadon Sancho uu sidoo kale ka sugayo in ciyaarta lagu soo bilaabo.

Maadaama Talyaanigu haystaan difaacyahanno waaweyn oo khibrad iyo tayo leh, ayna tiir-dhexaad u yihiin Leonardo Bonucci iyo Giorgionio Chiellini, waxa la filayaa in uu soo celiyo shaxdii isla jaan-qaadday ee kulamadii ugu dambeeyey.

Warbaahinta Ingiriiska ayaa saadaal ka bixisay shaxda xulka England la shir iman doono, waxaana qayb ka ah Saka, Mount, Phillips iyo Rice oo ah ciyaartoyda khadka dhexe ee waajihi doona Verratti, Jorginio, Chiesa iyo Locatelli.

Shaxda xulka England ee kulanka finalka ee Talyaaniga ee ay warbaahintu saadaalisay:

England XI: Pickford; Walker, Stones, Maguire, Shaw; Rice, Phillips, Mount; Saka, Sterling, Kane.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More