Shaxda Liverpool Kala Hortegi Doonto Leicester City Kulanka

Liverpool ayay ka maqan yihiin saddex ka mid ah difaacyadii rasmiga ahaa ee sida rigliga ah ugu soo bilaaban jiray, waxaana afartii dambe uga jooga kaliya Andy Robertson oo isagana shaki la gelinayo.

Alexander-Arnold ayaa dhaawacyada kula biiray Van Dijk iyo Gomez oo xili ciyaareedka inta ka hadhay maqnaan doona kaddib dhaawac kasoo gaadhay kulankii Manchester City ee Axaddii usbuucii hore, waxaana uu bannaanka fadhiyi doonaa muddo afar usbuuc ah.

Mohamed Salah oo uu ku dhacay Korona Fayras xilli uu ka qayb-galay arooska walaalkii oo ka dhacay waddanka Masar ayaa isaguna karantiil ku jiri doona muddo laba usbuuc ah, taas oo sii kordhisay madax-xanuunka tababare Jurgen Klopp.

Baadhitaan labaad oo lagu sameeyey Mohamed Salah oo lagu sii xaqiijinayay xaaladdiisa ayaa waxa uu isaguna muujiyey in laacibkani uu qabo COVID-19, hase yeeshee xidhiidhka FA-ga Masar ayaa hore usii shaaciyey in xiddigoodani uu muddo 10 maalmood ah guri ku xaraysnaan doono.

Arrintani waxay keenaysaa in Mohamed Salah uu seego kulanka adag ee Liverpool ay Axadda toddobaadka soo socda ay martida ugu noqonayaan Leicester City oo garoonka King Power Stadium ay ku ballansan yihiin.

Kulankan waxa xigi doona ciyaaro badan oo sanka isku haya, iyadoo toddobaad kasta laba jeer ay ugu yaraan ciyaari doonaan kulamo horyaalka, Champions League iyo tartamada kale ee maxalliga ah, kuwaas oo socon doona illaa  waqtiga ciida Masiixiga.

Haddaba dhaawacyadan iyo xanuunkan kaddib, sidee ayay noqon doontaa shaxda Liverpool ee tababare Jurgen Klopp uu lasoo shirtegi doono kulanka ugu soo horreeya ee Leicester City ee Axadda soo aaddan?

Goolhaye

Alisson oo dhaawac gaadhay bilowgii horyaalka kasoo kabtay ayaa waxa uu mar kale galay shaki xanuunka Korona Fayraska ah kaddib markii ciyaartoy ay xulka ku wada jireen uu xanuunka ku dhacay, balse baadhitaan lagu sameeyey ayaa lagu xaqiijiyey inuu bad qab ka hayay.

Goolhayaha reer Brazil ayaa haddii aanay mushkilad kale imanin diyaar u noqon doona Axadda inuu safka hore ugu soobilowdo kooxdiisa.

Difaaca

Tababare Klopp waxa uu haystaa hal difaac oo kaliya afartii lagu yaqaanay ee Gomez, Van Dijk, Robertson iyo Alexander-Arnold, waxaana kaliya u caafimaad qaba kabtanka Scotland ee Andy Robertson oo isaguna shaki geliyey taam ahaanshihiisa.

Haddii Robertson aanay wax kale helin, niyadsami ayuu Jurgen Klopp ku qabaa inuu kusoo bilaaban doono ciyaartan. Waxa kale oo ay Liverpool rajo badan ka qabtaa inay heli doonaan Fbinho oo Jurgen Klopp uu usii qorshaynayo inuu kusoo bilaabo kulankan oo uu difaaca dhexe kala ciyaaro Joel Matip, taas  oo haddii ay dhacdo ah werwerka ka yarayn doonta jamaahiirta.

Dhinaca midig, waxa jooga Neco Williams oo fursadihii yaraa ee  la siiyey si fiican iskugu soo muujiyey, balse haddii khibrad loo baahdo, waxa isaguna diyaar ah James Milner oo booskaas ka ciyaari doona.

Dhexda

Jordan Henderson ayaa dhibaatooyinkii dhaawacyada meel iska dhigay oo kusoo laabtay heerkiisii wanaagsanaa. Waxa Klopp kala dooran doonaa kuwa uu kusoo lammaanaynayo Naby Keita, Georgino Wijnaldum iyo Thiago Silva oo la filayo inuu taam u noqonayo ciyaartan kaddib dhaawacii kasoo gaadhay kulankii Everton ee bishii hore ee October.

Thiago ayay u badan tahay inuu aad uga fiirsado tababaruhu oo uu kusoo bilaabo kaydka xataa haddii uu caafimaadkiisu taam yahay.

Weerarka

Su’aashii badnayd ee ahayd sida uu Klopp u kala dooranayo saddexdiisa weerarka ee Mane, Salah iyo Firmino oo lagu daray Diogo Jota ayaa meesha ka baxaysa maadaama uu Mohamed Salah xanuun ku maqnaan doono.

Roberto Firmino oo waddanka Brazil gool u dhaliyey xalay ayaa kusoo garab bilaaban doona Sadio Mane oo ay muhiimaddiisu sii kordhi doonto, halka Jota iyo Firmino ay isku kaashan doonaan dhalinta goolasha.

Shaxda suurtogalka ah ee Liverpool kula ciyaari doonto Leicester City:

Alisson; Robertson, Fabinho, Matip, Williams; Thiago, Henderson, Wijnaldum; Mane, Firmino, Jota.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More