Shaxaha Rasmiga Ah Man United vs Liverpool – Solskjaer Oo Fadhiisiyey

Manchester United iyo Liveprool ayaa foodda isku daraya ciyaar ay hadheeyeen mudaharaadyo oo jamaahiir cadhaysan ay gudaha garoonka soo gashay, taas oo wali qabsoomiddeeda uu shaki ku jiro, inkasta oo ay taageereyaashu bannaanka uga baxeen garoonka.

Tababare Ole Gunnar Solskjhaer ayaa ciyaartan kusoo bilaabay xiddigihiisa afka hore ee Marcus Rashford iyo Mason Greenwood, waxaase uu kaydka dhigay Edinson Cavani oo wacdaro kadhigay kulankii semi-finalka Europa League ee Khamiistii ay la ciyaareen Roma oo uu laba gool dhaliyey, labana caawiyey.

Bruno Fernandes ayaa xajistay booskiisa oo ay kooxdu ka sugi doontaa goolasha, halka Paul Pogba oo sooman uu khadka dhexe kula soo bilowday Scott McTominay iyo Fred.

Difaaca ayuu keenay Maguire, Shaw, Lindelof iyo Wan-Bissaka, halka Dean Henderson uu kasoo hormaray David de Gea.

Dhinaca kale, Liverpool ayaa lasoo gashay shaxdeedii ugu adkayd, waxaana afka hore ee weerarka kusoo wada bilowday Mohamed Salah, Sadio Mane iyo Roberto Firmino, waxaase aan garoonkaba joogin Diogo Jota.

Phillips ayaa difaaca dhexe kusoo laabtay oo ka garab ciyaaraya Ozan Kabak isagoo kasoo kabtay dhaawac, waxaanay taasi fursad u siisay Fabinho in uu ku laabto khadka dhexe oo ay ku wehelinayaan James Milner iyo Thiago Alcantara.

Shaxaha rasmiga ah ee labada kooxood

LIVERPOOL XI: Alisson, Alexander-Arnold, Robertson, Phillips, Kabak, Fabinho, Milner, Thiago, Mane, Salah, Firmino.

Kaydka Adrian, Wijnaldum, Keita, Oxlade-Chamberlain, Jones, Tsimikas, Shaqiri, Williams.

MANCHESTER UNITED XI: Henderson, Shaw, Wan-Bissaka, Lindelof, Maguire, Fred, McTominay, Pogba, Fernandes, Greenwood, Rashford.

Kaydka: De Gea, Bailly, Cavani, Mata, Telles, Matic, Williams, Van de Beek, Tuanzebe.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More