Shaxaha Rasmiga Ah Ee England vs Czech & Croatia vs Scotland –
Xulka qaranka Croatia oo u baahan guul qasab ah si ay ugu gudbi karaan wareegga 16ka tartanka Euro 2020 ayaa waxay waajahayaan Scotland oo iyagana guul ka xigto inay usoo gudbaan wareegga xiga.
Labadan xul ayaa midkooda badiya uu soo bixi doonaa, haddiise ay barbarro galaan, labadooduba waxay ka hadhi doonaan tartanka iyagoo Group-kan D ay horeba uga soo baxeen England iyo Czech Republic.
Tababaraha Croatia ee Zlatko Dalic ayaa kusoo bilaabay shax uu isbeddello badan ku sameeyey isagoo kaydak dhigay Rebic, Kramaric, Vrsaljko iyo Pasalic, kuwaas oo uu ka doorbiday ciyaartooyda ay ka mid yihiin Gvardiol, Juranovic, iyo Petkovic.
Zlatko Dalic oo xulkiisu dhibic kaliya haysto ayaa waxa uu boosaskooda u ilaaliyey Luka Modric, Kovacic, Brozovic iyo Perisic.
Scoland ayaa sidoo kale la shirtimid shaxdoodii ugu adkayd oo ay hormood u yihiin Scott McTominay, Armstrong, McGregor, McGinn, Andy Robertson iyo Adams.
Shaxaha rasmiga ah ee Croatia vs Scotland
Croatia XI: Livakovic, Perisic, Lovren, Kovacic, Modric, Brozovic, Vlasic, Petkovic, Vida, Juranovic, Gvardiol
Kaydka: Kalinic, Sluga, Vrsaljko, Barisic, Caleta-Car, Breaklo, Kramaric, Budimir, Pasalic, Rebic, Badelj, Ivanusec
Scotland XI: Marshall, McTominay, Hanley, Tierney, O’Donnell, Armstrong, McTominay, McGregor, McGinn, Robertson, Adams, Dykes
Kaydka: Gordon, McLaughlin, Christie, Fleck, Gallagher, Cooper, Turnbull, Nisbet, Fraser, Patterson, Forrest, McKenna
ENGLAND VS CZECH REPUBLIC
Tababaraha xulka qaranka England ee Gareth Southgate ayaa isbeddelladii la filayay sameeyey, waxaanu kusoo bilaabay Harry Maguyire oo dhaawac kasoo laabtay iyo Jack Grealish oo kulankii ugu horreeyey kusoo bilowday.
Weerarka ayay wada taagan yihiin Raheem Sterling, Bukayo Saka iyo laacibka dhaliisha loo jeedinayo ee Harry Kane.
Czech Republic waxa iyagana ugu soo bilowday laacibka saddexda gool dhaliyey ee Schick oo rajaynaya inuu sii kordhisto tirada goolasha, waxaana garabkiisa taagan Soucek oo khibrad badan u leh ciyaaraha Ingiriiska, halka Coufal, Boril iyo Jankto ay boosaskooda haystaan.
Shaxaha rasmiga ah ee England vs Czech Republic
ENGLAND XI: Pickford, Walker, Stones, Maguire, Shaw, Rice, Phillips, Grealish, Sterling, Kane, Saka.
Kaydka: Ramsdale, Johnstone, Henderson, Rashford, Trippier, Mings, Coady, Sancho, Calvert-Lewin, White, James, Bellingham.
CZECH REPUBLIC XI: Vaclik, Celustka, Coufal, Kalas, Boril, Darida, Holes, Masopust, Jankto, Soucek, Schick.
Kaydka Mandous, Koubek, Kaderabek, Brabec, Kral, Mateju, Barak, Sevcik, Krmencik, Hlozek, Vydra, Pekhart.