Shaqsiga Codadka Sirta Ah Ka Haya Madaxweyne Perez Oo Lacag Waali Ah

Jose Antonio Bellan oo ah saxafiga udub dhaxaadka u ah codadka sirta ah ee laga qabtay madaxweyne Florentino Perez ee la faafinayay maalmihii ugu dambeeyay ayaa lagu soo warramayaa inuu lacag ka dalbaday Real Madrid.

Bellan ayay wararku sheegayaan inuu si uu codadka Florentino Perez ee uu hore usoo daayay iyo kuwa uu wali hayaba u tirtiro la siiyo lacag 10 Milyan oo euro ah.

Codadkaas oo ahaa kuwo maalmihii ugu dambeeyay kasoo baxayay wargeyska El Confidencial ayaa lagu soo bandhigayay madaxweyne Perez oo eedaynaya xiddigo usoo ciyaaray amaba haatan ka tirsan Real Madrid,

Iyadoo uu haatan Florentino isku diyaarinayo inuu dacweeyo Abellan iyo El Confidencial labadaba, kiiska ayaa noqday mid waji cusub yeeshay sida uu saxafi Carlos Bustillo habeenimadii Arbacadii ka sheegay barnaamijka El Transistor ee Onda Cero.

“Dalabkaas laaluush siinta ah waxa lagu sameeyay huteelka laga cunteeyo ee Combarro ee magaalada Madrid, Real Madrid ma aysan aqbalin” ayuu yidhi Bustillo.

Shaqsiga uga qayb galay Los Blancos kulankaas ayaa lagu sheegay inuu ahaa madaxweyne ku xigeenka kooxda ee Fernandez de Blas.

Shaqsiyaadka uu Perez ku bar-tilmaameedsaday codadkaas sirta ah ee laga faafiyay ayay kamid yihiin Iker Casillas, Raul Gonzalez, Cristiano Ronaldo, Jose Mourinho, Guti iyo Vicente Del Bosque.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More