Shan Sannadood Kaddib, Jamie Vardy Oo Mar Kale Sameeyey Dhaqankii Lala

Weeraryahanka reer England ee Jamie Vardy ayaa mar kale ku celiyey dhaqankii uu dunida kaga yaabsaday shan sannadood ka hor markii ay kooxdiisa Leicester Metropolis ku guuleysatay horyaalka Premier League sannadkii 2016.

Leicester Metropolis ayaa Sabtidii ku guuleysatay FA Cup oo ay ku garaacdayy Chelsea, waxaanu u ahaa koobkii ugu horreeyey ee tartankan ah ee ay waligood ku guuleystaan iyagoo ku xaqiijiyey finalkii ugu horreeyey ee ay yimaaddaan tan iyo sannadkii 1969kii oo laga joogo 52 sannadood.

Goolka madiga ah ee ay Leicester ku qaadday FA Cup waxa u dhaliyey laacibka khadka dhexe ee reer Belgium ee Tielemans, waxaase cajiib ahaa qaabka uu Jamie Vardy ugu dabbaal-degay habeennimadii markii uu gurigiisa tegay.

Vardy ayaa sannadkii 2016 waxa uu dunida kaga yaabsaday markii isagoo abaal-marinta hanashada horyaalka  Premier League qoorta ku xidhan uu seexday habeennimadii isagoo aan iska saarin, waxaana waqtigaas sawir kasoo qaadday xaaskiisa Rebekah.

Isla  sidii oo kale, Vardy ayaa habeennimadii ay koobka  FA kooxdiisu ku guuleysatay ee Sabtidii waxa uu seexday iyadoo biladdu qoorta ugu jirta oo aan iska saarin, waxaana mar kale sawir kasoo qaadday xaaskiisa Rebekah oo soodhigtay barteeda bulshada, iyadoo kusoo qortay: “Haa, wuxuu seexday isagoo xidhan. Waa sidii uu ku sameeyey billadii Premier League.”

Guusha koobka FA Cup ayaa Leicester Metropolis u timid shan sannadood kaddib guushii cashiibka ahayd ee  horyaalka Premier League ee sannadkii 2016 ay sida layaabka leh u qaadeen.

Jami Vardie ayaa Leicester Metropolis kaga soo biiray kooxaha heerarka hoose sannadkii 2012, waxaana 350 ciyaarood oo uu saftay uu dhaliyey 145 gool.