Sergio Ramos Oo Maanta Ka Degay Magaalada Paris
Paris Saint-Germain ayaa qarka u saaran in ay heshiis xor ah la gasho difaaca reer Spain ee Sergio Ramos oo usbuucyadii ugu dambeeyey ay u socdeen wada-hadalllo.
Sergio Ramos oo uu wehelinayo walaalkii ene Ramos oo ah wakiilkiisa ayaa maanta gaadhay magaalada Paris, si ay u gabogabeeyaan wada-xaajoodka, isla markaana uu Ramos qalinka ugu duugo heshiis uu kaga mid noqonayo kooxda reer France ee PSG.
35 jirkan oo si rasmi ah uga tegay Real Madrid kaddib markii uu heshiiskiisu dhamaaday, isla markaana ay ku fashilmeen in ay heshiis cusub ka wada shaqeeyaan, waxa uu Ramos isku diyaariyey inuu dibedda uga baxo dalkiisa markii ugu horreysay, waqtina kusoo qaato kooxaha dibedda.
PSG ayaa noqotay kooxda ugu cadcad ee Ramos xiisaha dhabta ah u muujisay, waxaana hadda ku sugan magaalada Paris laacibkan oo safar ku tegay halkaas, taas oo caddaynaysa in uu qarka u saaran yahay heshiiskiisu.
London iyo Paris ayaa ahaa labada magaalo ee inta ugu badan lala xidhiidhinayay Ramos, laakiin waxa iyaduna liiska ku jirtay magaalada Paris oo ay ka dhisan yihiin labada kooxood ee Man United iyo Man City, hase yeeshee waxa kooxaha Ingiriiska lagaga adkaaday mushaharka badan ee uu doonayo Ramos, waxaana kaga adkaatay PSG.
Madaxweynaha PSG ee Nasser Al-Khelaifi ayaa hore u dafiray in ay kooxdiisu doonayso Ramos, balse waxa hadda la fahamsan yahay inay ahayd xeelad uu ku yaraynayo hadal-haynta si ay qaab aamusan ugu dhamaystiraan heshiiskiisa.
Ramos ayaa noqon doona ciyaartoygii saddexaad ee Real Madrid ah ee PSG ay la wareegto, waxaana ka horreeyey oo ku sugan Parc des Princes labada ciyaartoy ee Keylor Navas iyo Angel Di Maria. Waxa kale oo uu la midoobi doonaa labada ciyaartoy ee reer Spain ee Ander Herrera iyo Pablo Sarabia oo iyaguna jooga PSG.