Sergio Ramos Oo Duceysanaya Inta U Dhaxeysa Jimcaha Ilaa Iyo Isniinta

Sergio Ramos ayaa wajahaya afartii maalmood ee ugu muhiimsaneyd waayihiisa ciyaareed. Daafaca ayaa ku duceysanaya in inta u dhaxeysa Jimcaha ilaa Isniinta inay wax walba u hagaagaan.

- Advertisement -

Marka ugu horeysa wuxuu doonayaa inuu qeyb ka noqdo kooxda Actual Madrid ee la ciyaareysa Villarreal, ka dib wuxuu doonayaa inuu dheelo kulankaas lagu soo xirayo La Liga.  Haddii uu ciyaaro, wuxuu doonayaa inuu soo bandhigo qaab ciyaareed Actual Madrid ka dhaadhicin karta inay u cusbooneysiiyaan qandaraaskiisa islamarkaana uu ku xaqiijisto booskiisa xulka Spain ee ciyaaraha Qaramada Yurub.

Ramos wuxuu ku jiraa waqti aad u adag haatan, maalmaha soo socda ayaa muhiim weyn u ah. Koobka horyaalka La Liga ayaa miiska saaran maalinta ugu danbeysa xilli ciyaareedka iyadoo Los Blancos ay la ciyaareyso Villarreal, waana kulan muhiim u ah Ramos.

34 maalmood ayuu Ramos garoomada ka maqnaa markii uu soo laabtay kulankii Chelsea, wuxuu kabtanka u muuqday mid ku soo degdegay soo laabashadiisa. Ugu danbeyntiina isaga iyo tababare Zidane kuma aysan faa’idin soo laabashadiisii degdegta aheyd.

Haatan wuxuu mar kale doonayaa inuu garoonka ku soo noqdo ka dib 17 maalmood uu maqnaa tan iyo kulankii London. Waxay arimahaan oo dhan dhacayaan xilli Eder Militao iyo Nacho Fernandez ay Actual Madrid u noqdeen xiddigo muhiim ah iyagoo u qalma booskooda shaxda Zidane marka la eego qaab ciyaareedka ay soo bandhigayaan.

Zidane ayaa ogsoon in Ramos uu u baahan yahay inuu dheelo oo qaab ciyaareed fiican soo bandhigo madaama qandaraaskiisa aan weli xal laga gaarin, halka sidoo kale uu tababaraha xulka Spain Luis Enrique uusan weli xaqiijin xulkiisa uu u kaxeysanayo ciyaaraha Qaramada Yurub.

Laakiin dhibaatada Ramos heysata ayaa ah inuu dhanka doorashada hoos ugu dhacay, isagoo seegay 30 kulan iyo ku dhawaad 150 maalmood. Wuxuu sannadkan dheelay kaliya shan kulan isagoo 90 daqiiqo dhameystirtay kaliya seddex jeer.

Wadahadalada qandaraas kordhinta ee kabtanka Los Blancos ma ahan kuwa si fiican u socda sababo badan darteed. Tan ugu horeysa ayaa aheyd inuu dhaawac ku maqnaa, tan labaad ciyaartoydii keydka u fadhin jirtay isaga ayaa wacdarro dhigaya oo booskiisa si fiican u buuxiyay halka David Alaba uu soo socdo xagaagan.

Tababaraha xulka Spain Luis Enrique ayaa isna ogsoon inuusan heysan go’aan sahlan uu ka gaaro Ramos, go’aan kasta uu qaato waxay noqon doontaa mid laga doodo xagaagan.

Ciyaaryahanka iyo tababaraha waxaa mar walba ka dhaxeeyay xiriir aad u fiican tan iyo markii ay bilaabeen inay xulka qaranka kawada shaqeeyaan, laakiin Luis Enrique ayaa arka in Ramos uusan ciyaareynin islamarkaana taam ahaanshihiisa uu yahay mid aan joogta aheyn.

Shaki kuma jiro haddii uu ahaan lahaa ciyaaryahan kale oo Ramos booskiisa taagan, mar hore ayaa la xaqiijin lahaa in laga tagayo laakiin kabtanka Actual Madrid iyo Spain kiiskiisa waa mid ka duwan. Si kastaba, Luis Enrique wuxuu galayaa khamaar weyn.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More