Sergio Ramos Oo Dhaliyey Goolkiisii 100aad Ee Real Madrid
Goolkii uu madaxa kaga dhaliyey Inter Milan habeenkii xalay, waxa Sergio Ramos uu u sameeyey taariikh weyn oo kale oo uu kusii gelayo buugga xiddigaha dhif iyo naadirka ah ee Real Madrid.
Goolkan ayaa ahaa midkii 100aad ee uu Real Madrid u dhaliyey intii uu joogay, waxaana uu noqday ciyaartoygii 19aad ee dhaliya goolal tiradoodu saddex god-tirsi tahay (boqoley).
19ka ciyaartoy ee boqolka gool iyo ka badan u dhaliyey Real Madrid, waxay 15 ka mid ahi ahaayeen weeraryahanno, laba khadka dhexe ah iyo laba difaac oo ahaa halyeygii Fernando Hiero iyo Sergio Ramos oo isaguna ku biiray liiskan.
Laakiin farqiga u dhexeeya Hiero iyo Ramos ayaa waxa uu yahay in Fernando Hiero uu waqtiyo badan ka ciyaarayay khadka dhexe, taas oo ka caawisay inuu goolal badan dhaliyo.
Sergio Ramos oo muddo 15 sannadood ah joogay Estadio Santiago Bernabeu, waa ciyaartoygii ugu degdegga badnaa ee difaac ah ee goolal intaa le’eg u saxeexa kooxdiisa ah.
Goolkiisii ugu horreeyey ayuu u dhaliyey Real Madrid markii ay taariikhdu ahayd December 6, 2005, waxaanay ahayd ciyaar ka tirsanayd tartanka Champions League oo ay ka hor tageen Olympiacos, waxaanu madax ku qabtay kubbad uu laba-lugoodis iskugu soo rogay Raul Bravo. Waqtigaas waxa uu Ramos u halgamayay inuu caddeeyo inuu u qalmayay lacagtii ay Real Madrid kaga soo iibsatay Sevilla oo ahayd 30 milyan oo Euro.
Intaa wixii ka dambeeyey, wuxuu ahaa mid si joogto ah xili ciyaareed kasta goolal u dhaliya, waxaana tiradiisii ugu badnayd uu saxeexay xili ciyaareedkii hore oo uu dhaliyey 13 gool oo intooda badani ay rikoodheyaal ahaayeen. Xili ciyaareedkan bilaabmay, waxa uu durba saxeexay saddex gool, waxaanu rajaynayaa inuu sare usii qaado heerkiisa goolasha oo uu ka caawiyo kooxda inay goolal yaraanta ka baxdo.