Skip to content
Thursday, September 17, 2026 4 Rabi al-Thani 1448 AH Fajr 04:40
Muqdisho 24°C
Breaking: Three Killed in News Helicopter Crash in Los Angeles
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports English

Iska Illow Mohamed Salah, Mane & Van Dijk – Jurgen Klopp Oo

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 2-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~2 min audio

Jurgen Klopp ayaa amaan kula dul-dhacay laacibka kooxdiisa ee saddexlayda xalay dhaliyey ee Diogo Jota oo ay £45 milyan oo Gini xagaagii kagala soo wareegeen kooxda Wolves ee Premier League kala  ciyaarta.

Diogo Jota ayaa kasoo hormaray Roberto Firmino oo kaydka ku jiray, waxaana uu caddeeyey in Klopp aanu ku qaldanayn xulashadiisa isagoo markiiba la saaxiibay shabaqa Atalanta oo uu saddexlay uu laba ka  mid ah qaybta hore dhaliyey.

Jurgen Klopp oo ka hadlay sababtii uu Jota ugu soo bilaabay, kaydkana u dhigay Firmino ayaa waxa uu xusay in laacibkani uu yahay mid xirfaddiisu cajiib tahay oo uu kooxda caawinayo, waxaanu yidhi: “Maanta waxa macno samaynaysa inaanu ka faa’iidaysanay qaab ciyaareedka Diogo, waxaanay ku caddayd sida Atalanta u ciyaaraysa, waxaana na caawisay xirfadda Diogo. Wuxuu isticmaalay qaabkiisa caiijbka ah, waxaanu dheelay ciyaar sarraysa.

“Laakiin ilama aha in sinaba lanagu difaaci karayay. Sadio, Mo iyo Jota siday u ciyaarayeen iyo taakulada ay ka helayeen ciyaartoyda kale. May ahayn nidaamka aanu ku ciyaarnay, balse waxa cajiib ahayd qaab ciyaareedkayaga.”

Liverpool waxay toddobaadka soo socda la ballansan tahay Manchester City, waxaana uu Klopp oo ka hadlayey sida uu Jota iyo Firmino u kala saarayo kulankaas uu yidhi: “Bandhigga wanaagsani madax xanuun iguma noqdo. Laakiin mararka qaarkood meelo xun-xun ayuu ku geynayaa marka ay ciyaartoyda qaarkood mudahayaan ee aynu si degdeg ah uga hadalno ciyaartoy kale, waxaanay noqotaa inaan si degdeg ah u sharraxo inuu kooxda ka mid yahay.

“Haddii aanu Bobby Firmino nala joogi lahayn, xataa Champions League kamaanaan soo qayb-galneen. Waa ciyaartoy naga mid ah. Dad badan oo dunida ah ayaa isweydiinaya waxa Liverpool ka dhigay koox heersare, waxaan se u sheegayaa inuu yahay qaab ciyaareedka Bobby Firmino.”

How do you rate this story?

0 votes