Seddex Waxyaabood Oo Uu Pierre-Emerick Aubameyang Ka Reebay

Qaab ciyaareedka Pierre-Emerick Aubameyang ayaa hoos u dhacay tan iyo markii uu saxixiay qandaraaska cusub ee Arsenal oo uu isbuucii ku qaadanayo 250 kun ginni sida uu sheegay weeraryahankii hore ee Tottenham Darren Bent.

Weeraryahanka Gunners ayaa qandaraas cusub oo seddex sannadood ah saxiixay 15kii September isagoo soo gabagabeeyay shaki la gelinayay mustaqbalkiisa kooxda.

Wuxuu gool dhaliyay kulankii ay Arsenal 3-0 kaga badisay Fulham maalintii ugu horeysay xilli ciyaareedka laakiin tan iyo markaas wuxuu dhaliyay kaliya hal gool sagaal kulan uu dheelay. 31 jirkaan ayaa dhaliyay afar gool 12 kulan uu saftay tartamada oo dhan iyadoo kooxda Mikel Arteta ay ku jirto qaab ciyaareed liita.

Darren Bent ayaa ogaaday isbedelka ku dhacay Aubameyang tan iyo markii uu saxiixay qandaraaska cusub horaantii xilli ciyaareedkan isagoo sheegay inuusan haatan ordin, kubad raacanin islamarkaana taakal sameynin.

“Arsenal qaab ciyaareedka ugu fiican kama soo saari karto Aubameyang, gabi ahaanba ma ahan mid si fiican u dheelaya. Waan ogahay in inta badan la dhaho waa in fursad loo abuuro isaga laakiin isaguba waa inuu wax badan qabto” ayuu Bent u sheegay talkSPORT.

“Ma ahan inaad hoos u dhiciisa ku eedeyso dadka kale sababtoo ah wuxuu ahaa mid cajiib ah ka hor inta uusan saxiixin qandaraaska cusub. Waan ogahay inay u baahan yihiin hal abuure laakiin isaguba wax badan ayuu weli u qaban karaa kooxda.

“Markaad eegto qaab ciyaareedka Aubameyang ka hor inta uusan saxiixin qandaraaska cusub, wuxuu ahaa mid ordaya mar walba, mid gadaal u soo degaya oo kubada difaacanaya iyo mid taakalo sameynaya. Markaas dadku kama hadleynin in hal abuure khadka dhexe ah loo baahan yahay sababtoo ah isagaa wax badan qabanayay. Wuxuu sameynayay waxyaabo waa weyn oo loo riyaaqay sidaasi darteed dadku waxay filanayeen inay taasi sii socon doonto.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More