Salah Oo Beddelaya Mbappe, Varane & Sancho Oo U Saxeexaya Man United,

Suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga ayaa furmi doona horraanta bisha June ee foodda innagu soo hayso, waxaana haddaba lasii helayaa xogta xiddigaha ay kooxaha waaweyn isku dayi doonaan in ay lasoo saxeexdaan.

- Advertisement -

Wargeysyada waaweyn ee Yurub ayaa si joogto ah usoo bandhiga wada-hadallada, qorsheyaasha iyo xanta suuqa, waxaana maanta oo Sabti ah qodobbadii ugu waaweynaa ee ay qoreen ka mid ahaa:

Xogo laga helay Borussia Dortmund ayaa sheegaya in weeraryahanka reer England ee Jadon Sancho oo 21 jir ah, uu u dhow yahay in uu xagaagan ku biiro Manchester United. Purple Devils ayaa rajaynaysa in ay ku heli doonto laacibkan £65-75 milyan oo Gini. (Eurosport)

Manchester United waxay heshiiska Sancho u isticmaali kartaa Jesse Lingard oo 28 jir ah, si looga fudaydiyo lacagta. (Solar)

Paris Saint-Germain ayaa raadinaysa beddelka Kylian Mbappe oo 22 jir ah, walina aan ogolaanin heshiis cusub iyadoo sannad ka hadhsan yahay qandaraaskiisa. Waxay diiradda PSG haysaa Mohamed Salah si uu u noqdo beddelka Mbappe. (ESPN)

Manchester United waxay wada-hadallo la yeelatay difaaca Actual Madrid ee Raphael Varane oo 28 jir ah. Waxay rajaynaysaa in ay xagaagan ku iibsato £40 milyan oo Gini. (MEN & Mirror)

Guddoomiyaha RB Leipzig ee Oliver Mintzlaff ayaa xaqiijiyey in difaaca 21 jirka ah ee reer France ee Ibrahima Konate oo hore loola xidhiidhinayay Liverpool uu heshiiskiisa ku jiro qodob dhigaya lacagta lagu burburin karayo qandaraaskiisa. Lacagtaas ayaa la rumaysan yahay in ay tahay £34 milayn oo Gini. (Liverpool Echo)

Manchester Metropolis waxay xidhiidh la samaysay kooxda reer Portugal ee Sporting Lisbon oo ay ka doonayso 18 jirka difaaca bidix ee Nuno Mendes oo ay ku dalbatay £52 milyan oo Gini. (Mail)

Tababaraha Chelsea ee Thomas Tuchel, waxa uu saxeexiisa ugu horreeya ka dhiganayaa weeraryahanka Borussia Dortmund ee Erling Braut Haaland oo 20jir ah ama weeraryahanka Inter Milan iyo xulka qaranka Belgium ee Romelu Lukaku oo 28 jir ah. (Categorical)

Barcelona ayaa go’aansatay in ay ka shaqayso sidii ay xagaagan kula soo saxeexan lahayd Haaland, iyadoo sidoo kalena ku qancinaysa Lionel Messi oo 33 jir ah in uu sii joogo Camp Nou. (Solar)

Xiddiga Chelsea ee Christian Pulisic oo ah 22 jir u dhashay Maraykanka, waxa uu meesha ka saaray warar suuqa ku jiray oo sheegaya in uu ka tegayo Blues xagaagan. (ESPN)

Wakiilka Cristiano Ronaldo ayaa sheegay, in qorshaha laacibka reer Portugal aanay ku jirin in uu dib ugu laabto Sporting Lisbon xagaagan. (Document)

Southampton waxay qorshaynaysaa in ay £20 milyan oo ini xagaagan ku dalbato laacibka khadka dhexe uga ciyaara Chelsea ee RUben Loftus-Cheek oo amaah ugu maqan Fulham. (Categorical)

Leicester Metropolis waxay qarka u saaran tahay in ay dhamaystirto heshiiska  laacibka khadka dhexe ee Boubakary Soumare oo ah 22 jir Faransiis ah oo u ciyaara Lille. Qiimaha laacibkan ayaa ah £20 milayn oo Gini. (Wariyaha Talyaaniga ee caanka ku ah ciyaaraha ee Fabrizio Romano ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray)

Arsenal ayaa meesha ka saartay in ay heshiiska amaahda ah u kordhinayso laacibka khadka dhexe ee Dani Ceballos oo ah 24 jir ay Actual Madrid hore uga soo qaateenn. (Impartial)

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More