SAADAAL: Jose Mourinho Oo Saadaaliyyay Xulka EURO Ku Guuleysan Doona &

Tababaraha kooxda AS Roma ee Jose Mourinho ayaa saadaaliyay xulka ku guuleysan doona tartanka EURO ee gudaha bishan dhacaya xilli uu sidoo kale sheegay xul cadaadis weyni ku saaran yahay ku guuleysiga koobkan.

Mourinho ayaa sheegay in xulka cadaadisku saaran yahay midka England oo ay tahay inay ku guuleystaan koobkoodii ugu horreeyay tan iyo 1966.

Xulka tababare Gareth Southgate ayaa faa’ido ku haysta tartankan maadaama oo Semi-Final-ka iyo Final-kaba lagu ciyaari doono dalkooda England taas oo haddii ay heerkaas gaadhaan dhiirigelin gaar ah siin doonta.

Laakiin tababarihii hore ee Chelsea, Man United iyo Tottenham ayaa qaba in xulka ku guuleysan doona haddiiba uu xul u saadaalinayo uu yahay France oo haatan ah horyaalka dunida maadaama oo ay koobkii aduunka ee 2020 kusoo guuleysteen.

Jose ayaa ugu horreynba yidhi “England si lamid ah Brazil waa mid kamida labada shaqo ee ugu adag ee dalalka tababare loo noqdo sababtoo ah waxa ay dadku ka rajaynayaan xulalkaas”

“Waa dal adag wax badan ayaanaynu iyaga ka rajaynaa dhaqan ahaan halkii laga taageeri lahaa maalinta koowaad ilaa maalinta ugu dambaysa, deg-deg ayaynu warar aan fiicnayn dhinacyadooda uga bilawnaa”

“Iyagu waa inay noqdaan kuwo dareen ahaan aad u xoogan si ay culayskaas uga kabtaan, haddii ay sidaas sameeyaan fursad weyn ayay haystaan, ama waa inay hadda ku guuleystaan ama markale kuma guuleysan doonaan, waxa ugu dambaysay 1966”

Mou oo ka hadlaya xulka Euro ku guuleysan kara ayaa yidhi “France waxa ay samayn karaan koox koowaad, koox labaad iyo koox saddexaad (A team, B team iyo C Team) wakhtigan waxay haystaan ciyaaryahano heer sarre ah oo cajiib ah”

“Ma arko meelo ay ka jilcan yihiin, haddii aan u dooranayo hal xul inuu ku guuleysato iyaga ayaan odhan lahaa”

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More