Roberto Carlos Oo Xiddigii Ugu Wanaagsanaa Euro 2020 U Magacaabay

Halyeygii Brazil ee Roberto Carlos ayaa magacaabay xiddigii ugu wanaagsanaa tartankii qaramada Yurub ee Euro 2020 ee uu Talyaanigu ku guuleystay, in uu ahaa difaaca bidix ee Ingiriiska ee Luke Shaw.

Roberto Carlos ayaa la socday tartanka Euro 2020 iyo in magaciisa loogu yeedhi jiray Luke Shaw oo lagu naanaysay ‘Shawberto Carlos’ iyadoo la barbar-dhigayay bandhig ciyaareedkii fiicnaa ee uu sameeyey.

Difaaca bidix ee Manchester United ayuu Roberto Carlos hore amaan ugu jeediyey, hase yeeshee waxa uu diiday in isbarbar-dhig lagu sameeyo labadooda maadaama ay laba jiil oo waqti badan u dhexeeyey yihiin.

Xiddigaha xulka qaranka England iyo jamaahiirta ayaa intii uu tartanku socday, waxay Shaw ugu yeedhi jireen Shawberto Carlos, waxaanu magacaasi caan sii noqday kulan uu laba caawimood sameeyey.

Roberto Carlos oo la weydiiyey ciyaartoygii ugu wanaagsanaa tartanka qaramada Yurub ayaa yidhi: “Luke Shaw ayaa ahaa ciyaartoygii ugu fiicnaa tartanka. Waa inuu hore usii wado [bandhigga fiican], waana in uu sii wado in uu sidaas oo kale u ciyaaro, taas ayaa muhiim ah.”

Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa xiddigii ugu wanaagsanaa tartanka waxa uu siiyey goolhayaha xulka qaranka Talyaaniga ee Donnarumma oo sabab u ahaa in dalkiisu uu ku guuleysto Koobkii Euro 2020.

Roberto Carlos oo lagu tilmaamo mid ka mid ah difaacyadii bidix ee ugu wanaagsanaa taariikhda kubadda cagta, dalkiisana la qaaday Koobkii Adduunka 2002, ayaa sidoo kale amaanay ciyaartoyda xulka England, waxaanu yidhi: “Waan wada daawaday dhamaan kulamadii England ee Euro. Guul-darradu waa qayb ciyaarta ka mid ah iyo qayb kubadda cagta ka mid ah, laakiin waxa aan rajaynayaa in ay si fiican u ciyaari doonaan Koobka Adduunka.

“Haddii ay sii wadaan heerkii ciyaarahaas, way u qalmayaan in ay ku guuleystaan Koobka Adduunka.”

Ugu dambayntii waxa uu Roberto Carlos amaanay xiddigo kale, waxaanu yidhi: “Waxa kale oo ay ila tahay in dhamaantood ay iyaguna sidoodii yihiin: Kylian Mbappe, Nocolo Barella, Gianluigi Donnarumma, Cristiano Ronaldo, Messi iyo dabcan Neymar.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More