“Riyadayda Ugu Weyni Waa Inaan Champions League Kula Guuleysto….” –

Da’yarka kooxda Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe ayaa shaaca ka qaaday hammigiisa ah inuu koobka Champions League kula guuleysto kooxdaasi taas oo biyo qabaw ku shubaysa wararka la xidhiidhinaya kooxda ree Spain ee Real Madrid.

22 sano jirkaas ayuu heshiiska uu ku joogo Parc des Princes yahay mid dhacaya dhammaadka xilli ciyaareedka dambe waxaana jiray warar la xidhiidhinaya Real Madrid balse xagaagan ayaysan u muuqan inuu baxayo.

Waraysiga laga qaaday Mbappe ee laga dhex akhrisan karo halka uu ka taagan yahay inuu ka dhaqaajiyo PSG ayuu ku sheegayaa inuu ku hammiyo inuu Champions League la hanto kooxda magaalada uu dhalasho ahaan kasoo jeedo.

Kylian oo la hadlayay majalada PSG ayaa yidhi “Riyadayda ugu weyni waxay noqon lahayd inaan Champions League kula guuleysto PSG, cajiib ayay noqon lahayd”

Waraysiga oo ahaa mid ay si wadajir ah iskaga qaadayeen Mbappe iyo saaxiibkiisa kooxda ee Neymar ayuu da’yarka French-ka ahi ku weydiiyay 29 sano jirkaasi hammiga uusan wali ka gaadhin kubadda cagta balse uu ka doonayo.

Neymar ayaa ku jawaabay “Riyadayda ugu weyn ee PSG waa inaan Champions League ku guuleysto Brazil-na aan koobka aduunka kula guuleysto, adigana waa maxay Kylian? waa inaad Champions League ku guuleysato miyayna ahayn?” ayuu Neymar si deg-deg ah u weydiiyay.

Markale Mbappe ayaa yidhi “Oo maxaa diidaya ku guuleysiga koob aduun oo kale?” haddana Neymar oo hadalka la wareegay ayaa kaftan u yidhi “Maya, koobka aduunka ee xiga anigaa leh”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More