Rio Ferdinand Oo Magacaabay Difaaca Kaliya Ee Waqtigan Joojin Karaya
Halyeyga England ee Rio Ferdinand ayaa rumaysan in weeraryahanka xulka qaranka Belgium ee Romalu Lukaku aanay joojin karaynin difaacyahannada xulalka ku jira Euro, isla markaana uu leeyahay awood jidheed iyo farsamo uu ku karbaashi karayo, goolal badanna kaga dhalin karayo.
Lukaku oo ay da’diisu tahay 28 jir ayaa Inter Milan u dhaliyey 24 gool oo horyaalka Serie A ah xilli ciyaareedkii hore, waxaanu mar kale bandhig wanaagsan ka samaynayaa Euro 2020.
Laacibkan ayaa dhaliyey saddex gool, waxaanay tartanka kabta dahabka tartanka wada hoggaaminayaan Cristiano Ronaldo, Patrik Schick iyo Georginio Wijnaldum , laakiin qaab ciyaareedkiisa ayaa waxa uu bixinayaa ishaaro ah inuu yahay ciyaartoyga ugu cadcad.
Rio Ferdinand ayaa maan kula dul-dhacay laacibkan hore ee Chelsea, Everton iyo Manchester United ee waqtiga koobanna kusoo qaatay West Brom, waxaanu yidhi: “Daqiiqadda ugu horreysa ee uu taabto difaaca, wuxuu dareemaa adkayga iyo awoodda. Waxaanu ogaadaa halka uu taagan yahay.
“Kaddib waxa uu maamulaa xaaladda oo dhan. Ma garanayo difaac jidh ahaan la tacaali karaya Lukaku marka laga reebo Virgil van Dijk.”
Difaaca reer Netherlands ee Virgil van Dijk ayaa dhaawac kaga maqan xulka qarankiisa, sidoo kalena waxa uu bannaanka ka joogay Liverpool tan iyo bishii October ee sannadkii hore.
29 jirkan ayaa hadda kasoo kabanaya dhaawaca, waxaanu dhawr bilood ka hor bilaabay tababarka inkasta oo uu go’aan ku gaadhay in aanu qayb ka noqonin tartanka Euro maadaama dhaawaciisu halis ahaa oo jilibka qalliin lagaga sameeyey.
Ferdinand oo ka hadlayay difaaca Liverpool ayaa yidhi: “Anigu waxa aan la ciyaaray Vidic oo ahaa garabkayga, waxa uu asturi jiray dhabarkayga aniguna sidoo kale. Laakiin Van Dijk waan jecelahay, waana difaaca ugu wanaagsan adduunka, xaqiiqdii.
“Waxa aan jeclaan lahaa inuu ciyaaro waqtigayagii, taas ayaa xiise lahaan lahayd, waana ciyaartoy sare.”