Rikoodhkii La Diiwaangeliyey, Xaqiiqooyinkii Ciyaarta, Xiddigii

Manchester United waxay 3-1 ku garaacday Burnley oo ay ku qaabbishay Old Trafford, waxaana saddexda gool u dhaliyey Mason Greenwood oo laba saxeexay iyo Edinson Cavani oo ka saddexaad ku daray.

Red Devils ayaa soo gaabisay farqiga dhibcaha Manchester City ay ku hayso hoggaanka waxaanay ka dhigtay siddeed dhibcood kaddib guushan.

Xaqiiqooyinkii & Rikoodhadii kulanka

Manchester United ayaa guuleysatay 19 ka mid ah 32kii ciyaarood ee horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedkan, waxaana 13ka kulan ee kale ay barbarro gashay 9 ka mid ah iyo saddex laga badiyey. Dhibcaha iyo guulaha ay heleen, waxay ka badan yihiin intii ay xilli ciyaareedkii hore ee 2019-20 heleen, kaas oo 38kii ciyaarood ee xilli ciyaareedku ka koobnaa ay badiyeen 18 ka mid ah, 12 barbarro ah iyo 8 laga badiyey.

United ayaa guuleysatay shan ciyaarood oo xidhiidh ah oo horyaalka Premier League ah markii ugu horreysay tan iyo intii ka dambaysay markii uu Ole Gunnar Solskjaer lix ciyaarood oo xidhiidh aguulo keenay bilowgii hore ee shaqadiisa.

Tan iyo bilowga xilli ciyaareedkii hore, Mason Greenwood ayaa barbarreeyey rikoodhkii goolasha ee da’yaraanta uu ku dhaliyey Wayne Rooney oo ahaa 15 gool.

Xiddigii garoonka

Mason Greenwood oo laba gool dhaliyey ayaa noqday xiddigii ugu fiicnaa garoonka, isagoo helay qiimayn aanay cidina la wadaagin oo darajadeedu ahayd 8.

Laacibkii ugu liitay

Goolhayaha Manchester United ee Dean Henderson ayaa noqday laacibkii ugu liitay guud ahaan ciyaartoyda labada kooxood, isagoo bilowgiiba laga dhaliyey gool, laakiin VAR la baxsaday, kaddibna ogolaaday in mid kale ka dhasho.

Qiimayntii guud ee ciyaartoyda labada kooxood

Manchester United: Henderson (5), Wan-Bissaka (7), Lindelof (6), Maguire (6), Shaw (7), Fred (6), McTominay (6), Pogba (7), Fernandes (7), Greenwood (8), Rashford (7)

Beddelka: Cavani (7), Van de Beek (NA)

Burnley: Peacock-Farrell (7), Lowton (6), Tarkowski (7), Mee (6), Taylor (6), Cork (6), Westwood (7), Brownhill (6), Gudmundsson (6), McNeil (6), Wood (7)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More