RIKOODH: Chelsea Oo Jabisay Rikoodhkii Champions League Ee Manchester

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa dhaaftay rikoodh u yaallay Manchester United oo la xidhiidhay tartanka Champions League, kaddib markii ay xalay u gudubtay wareegga semi-finalka.

Chelsea ayaa wareeggii siddeedda waxay celceliska labada lugood 2-1 kaga badisay FC Porto, waxaanay sugaysaa Liverpool iyo Real Madrid midkooda soo baxaya caawa.

In Chelsea ay iska xaadiriso semi-finalka, waxay taariikh iyo rikoodh u noqotay Blues iyadoo dhaaftay rikoodh ay hore u haysatay Manchester United, waxaana taas mahaddeeda iska leh tababare Thomas Tuchel oo qaab ciyaareedka kooxda dib usoo celiyey.

FC Porto ayaa guul-darradii ugu horreysay ee xilli ciyaareedkan ee tartanka Champions League ah, waxay u xambaarisay Chelsea, laakiin haddana taasi kama hor-joogsanin in ay samayso rikoodh taariikhda u galay.

Iyadoo laba ciyaarood uga hadhsan yihiin in ay finalka tagto, kuna riyoonaysa in ay ku guuleysato Champions League oo ay ugu dambaysay 2012kii.

Rikoodhka Man Untied ee ay Chelsea jabisay

Chelsea ayaa markii siddeedaad u gudubtay semi-finalka Champions League, waxaanay noqotay kooxdii ugu horreysay ee Ingiriis ah ee siddeed mar gaadha semi-finalka, iyadoo dhaaftay rikoodhkii Manchester United.

8 – @ChelseaFC have reached the UEFA Champions League semi-finals for the eighth time, more than any other English side in the competition’s history. Accustomed. pic.twitter.com/kjpVJE8JmJ

— OptaJoe (@OptaJoe) April 13, 2021

Red Devils ayaa hore semi-finalka u tagtay toddoba jeer iyadoo saddex marna ku guuleysatay Champions League, laakiin Chelsea ayaa lix ka mid ah toddobadii jeer ee hore ee ay tagtay niyad-jab kala soo kulantay sababtoo ah hal mar oo kaliya oo ahayd 2012 ayay koobkan ku guuleysatay.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More