Real Madrid Oo Go’aankii La Sugayay Ka Gaartey Zidane,

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa go’aan ka gaadhay tababaraheeda Zinedine Zidane kaddib guul-darradii xalay kasoo gaadhay kulankii Shakhtar Donetsk ay 2-0 ugu soo garaacday waddanka Ukraine.

Los Blancos ayaa lumisay fursad ay ugu gudbi lahayd wareegga 16ka tartanka Champions League, laakiin waxay hadda haystaan hal fursad oo kaliya oo ah inay Arbacada usbuuca dambe guul ka keenaan Borussia Monchengladbach, haddii kalena waxay si toos ah uga hadhi doonaan tartanka Champions League ee xili ciyaareedkan.

Zinedine Zidane ayaa ku adkaystay in aanu iscasili doonin oo uu sii wadi doono shaqada, laakiin taasi kama hor istaagayso inay qaaddo seefta madaxweyne Florentino Perez.

Kaddib guul-darrooyinka xidhiidhka ah ee Alaves iyo Shakhtar, waxa uga sii horreysay Villarreal oo barbarro ku qabatay iyo Valencia oo ku xasuuqday 4-1, laakiin waxa inyar oo xumad-jabina u noqday labadii guulood ee Inter Milan ay ka gaadheen oo ka yaraysay culayska natiijooyinkan xun.

Real Madrid wax fursad ah may hesheen haddii Borussia Monchengladbach ay xalay garaaci lahayd Inter Milan, laakiin waxay hadda u mahad celinayaan kooxda Talyaaniga ah oo siisay fursad lugtooda ku xidhan oo inay ka badiyaan Gladbach haddii ay rabaan inay soo gudbaan.

Sida uu qoray wargeyska Marca ee kasoo baxa waddanka Spain, maamulka Real Madrid gaar ahaan boodhka kooxda ayaa waxay go’aan ka gaadheen tababare Zinedine Zidane oo la siiyey fursad uu shandaddiisa kusii xidh-xidho amaba uu isku badbaadiyo.

Fursaddan ayaa waxay tahay inuu kooxda sii hoggaamiyo saddexda ciyaarood ee adag ee Sevilla oo ay Sabtida ay la ciyaari doonaan, Borussia Monchengladbach oo Arbacada ay kusoo dhoweyn doonaan Alfredo Di Stefano iyo Atletico Madrid oo Sabtida kusii xigta ay foodda is dari doonaan.

Natiijooyinka saddexdan ciyaarood ayay boodhku go’aamiyeen in lagu xidho mustaqbalka Zidane, isla markaana haddii uu guulo ka keeni waayo uu albaabka ka bixi doono.

Ciyaarta saamaynta ugu weyn leh ayaa ah kulanka Champions League ee Borussia Monchengladbach iyo Sevilla oo niyadda ciyaartoyda saamayn kusii yeelan doonta, ka hor inta aanay Atletico Madrid oo qaab ciyaareed wanaagsan ku jirta iska hor imanin.

Si kastaba, waxa Real Madrid ay tababaraheeda cusub u magacaabi doonaa Mauricio Pochettino haddii uu Zidane kasoo bixi waayo shuruuddan oo shaqada laga caydhiyo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More