Real Madrid Oo Arsenal Weeraryahan Kula Tartamaysa, PSG Oo Chelsea Ka
Lionel Messi ayaan wali wax go’aan ah ka gaadhin mustaqbalkiisa Barcelona xilli kaliya hal toddobaad ka hadhay heshiiskiisa kooxda. (Marca)
Manchester City ayaa ilaa xagaaga sanadka dambe iska sugi doonta Harry Kane haddiiba ay awoodi waydo inay xagaagan la saxeexato. (ESPN)
Tottenham ayaa qorshaynaysa inay wadahadalo la bilawdo Nuno Espirito Santo oo ay hore uga saareen liiska macalimiinta ay doonayaan. (Football Insider)
Everton kubad sameeyaheeda James Rodriguez ayay wakiiladiisu saxeexiisa u bandhigeen kooxaha Real Madrid, Atletico Madrid, AC Milan iyo Napoli xilli uu doonayo inuu iskaga tago garoonka Goodison Park club. (Mail)
Real Madrid ayaa Arsenal kula tartamaysa saxeexa weeraryahanka Real Sociedad ee Alexander Isak kaddib qaab ciyaareedkiisa fiican ee tartanka Euro. (AS – in Spanish)
Bayern Munich daafaceeda dhexe ee Niklas Sule oo bar-tilmaameed u ahaa Chelsea ayaa ku dhaw inuu heshiis cusub u saxeexo kooxdiisa.. (Sport Bild, via Sun)
Paris St-Germain ayaa xidhiidh la samaysay daafaca 35 sano jirka ah ee Sergio Ramos kaas oo bishan uu dhacayo heshiiskiisa Real Madrid. (Goal)
PSG have ayaa Inter Milan kula heshiisay iibka saxeexa daafaca midig ee Achraf Hakimi oo ay £59.8 Milyan iyo gunnooyin dheeri ah ka bixinayaan waxaana ay u muuqdaan kuwo kaga adkaaday Chelsea oo la tartamaysay. (ESPN)
Wolves ayaa xiisaynaysa inay Chelsea amaah kaga qaataan 20 sano jirka khadka dhexe ee Billy Gilmour. (Football Insider)
Daafaca bidix ee ree England ee Ryan Bertrand oo heshiiskiisa Southampton dhacayo ayaa qaab bilaash ah ugu biiraya Leicester City. (Goal)
Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa la dhacsan khadka dhexe ee kooxda Aston Villa ee John McGinn balse u baahan doona bixinta 45 ilaa 50 Milyan oo pound si uu Villa Park uga soo wato. (The Athletic – subscription required)
Arsenal ayaa kalsooni ku qabta inay heshiis cusub ka saxeexato 20 sano jirka khadka dhexe ee Emile Smith Rowe walow uu xiiso ka helayo kooxda Aston Villa. (Football London)
Manchester United daafaceeda dhexe ee Axel Tuanzebe ayaa la filayaa inuu amaah kaga baxo kooxdaas xagaagan isagoo xiiso ka helaya kooxo Premier League ah iyo kuwo banaanka England ah labadaba. (Manchester Evening News)