RASMI: Xulka Argentina Ee Copa America Oo Laga Saaray Xiddig Weyn &

Tababaraha xulka qaranka Argentina ee Lionel Scaloni ayaa soo saaray liiska kama dambaysta ah ee waddankiisa uga qayb-gelaya tartanka qaramada Latin America ee Copa America, waxaana uu xiddigaha kooxdiisa ka reebay laacib weyn oo wacdaro ka dhigay kulamadii isreeb-reebka Koobka Adduunka.

Lionel Scaloni ayaa xidhiidhka kubadda cagta CONMEBOL u gudbiyey liiska kama dambaysta xulka Argentina, waxaana uu ka tegay weeraryahanka kooxda Sevilla ee Lucas Ocampos oo kusoo bilowday ciyaartii Chile  ay barbarraha la galeen ee isreeb-reebka Koobka Adduunka.

Booska uu Ocampos ka ciyaaro ee weerarka ayaa uu Lionel Scaloni u xushay Lionel Messi, Lautaro Martinez, Angel Di Maria, Joaquin Correa, Sergio Aguero iyo LUcas Alario, waxaanay taasi meesha ka saartay Ocampos.

Laakiin arrinta cajiibka ah ayaa waxay tahay, in xulka uu ku jiro Lucas Alario oo dhaawac ah, isla markaana aan la hubin inuu taam noqonayo. Haddii uu Alario kusoo kaban waayo muddada ka hadhay bilowga tartanka, waxa lagu beddeli doonaa Julian Alvarez.

Ocampos ayaa xilli ciyaareedkii tegay ee 2020-21 waxa uu dhaliyey 14 gool iyo saddex caawimood, isagoo Sevilla ka caawiyey in kaalinta afraad ee horyaalka Laliga ay ku dhamaysato.

Halkan kaga bogo magacyada 28ka ciyaaartoy ee xulka qaranka Argentina ee ka qayb-gelaya Copa America:

Goolhayeyaal: Franco Armani, Emiliano Martinez, Juan Musso and Agustin Marchesin.

Difaacyahanno: Gonzalo Montiel, Nicolas Otamendi, German Pezzella, Nicolas Tagliafico, Lucas Martinez Quarta, Marcos Acuna, Lisandro Martinez, Nahuel Molina Lucero and Cristian Romero.

Khadka dhexe: Leandro Paredes, Giovani Lo Celso, Exequiel Palacios, Nicolas Gonzalez, Guido Rodriguez, Rodrigo De Paul, Alejandro Gomez, Angel Correa and Nicolas Dominguez.

Weerarka: Lionel Messi, Lautaro Martinez, Angel Di Maria, Joaquin Correa, Sergio Aguero and Lucas Alario.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More