RASMI: Xiddigaha Chelsea Ee Kulanka Finalka FA Cup Ee Leicester Metropolis
Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa caawa ku guuleysan karta koobkeedii ugu horreeyey intii uu xilka tababarenimo hayay Thomas Tuchel, waxaana uu macallinka reer Germany soo xushay dhamaan ciyaartoydiisa oo u wada diyaarsan kulankan.
Chelsea oo koobkan FA Cup ku guuleysatay sannadkii 2018 kaddib markii ay 1-0 ku garaacday Manchester United, laakiin waxay caawa imanaysaa garoonka iyadoo lasoo kulantay guul-darro 1-0 ahayd oo ay Arsenal Arbacadii ugu soo xambaarisay Stamford Bridge.
Tababare Thomas Tuchel ayaa xaqiijiyey in ciyaartoydiisu ay taam usoo wada noqdeen, gaar ahaan N’Golo Kante oo ciyaartii Arsenal ka maqnaa, kaas oo soo laabashadiisu ay niyad weyn u tahay ciyaaartoyda kooxda.
Waxa kale oo usoo noqday Mateo Kovacic oo muddo ku maqnaa dhaawac muruqa ah, isla markaana aan awoodin in uu waajaho kooxdiisii hore ee Actual Madrid ee ay kusoo garaaceen semi-finalka Champions League.
Tuchel oo warbaahinta la hadlayay Jimcihii ayaa sheegay in kooxdiisu ay la cadhaysan tahay guul-darradii Arsenal, kulankanna ay imanayaan iyagoo ay wali kasii muuqato cadhadu, waxaanu yidhi: “Waa diyaar-garoow wanaagsan. Dhamaantayo waxaanu dareemaynaa cadhadaas ah in aanu luminay fursad iyo bandhiggii kulanka habeenkii Arsenal.”
Kulanka caawa, waxa Chelsea ugu soo bilaaban doona goolhayaha reer Spain ee Kepa Arrizabalaga sida uu xaqiijiyey Tuchel, waxa kale oo kusoo bilaaban doono N’Golo Kante, laakiin Kovacic oo uu tilmaamay in uu siiyo kooxda tamar dheeraad ah ayaan kusoo bilaaban karin maadaama uu muddo garoomada ka maqnaa.
Ciyaaryahanadda Chelsea ee kulanka Leicester Metropolis ee Finalka FA Cup:
Goolka: Kepa Arrizabalaga, Willy Caballero & Edouard Mendy.
Difaaca: Reece James, Cesar Azpilicueta, Antonio Rudiger, Andreas Christensen, Thiago Silva, Kurt Zouma, Valentino Livramento, Ben Chilwell, Marcos Alonso & Emerson.
Dhexda: Callum Hudson-Odoi, Hakim Ziyech, Christian Pulisic, N’Golo Kante, Mateo Kovacic, Billy Gilmour, Mason Mount, Kai Havertz, Faustino Anjorin & Jorginho.
Weerarka: Tammy Abraham, Timo Werner & Olivier Giroud.