RASMI: Real Madrid Oo Ka Hadashay Haddii Ay Dib Usoo Ceshanayaan

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa ka hadashay wararka sheegaya in uu hunguri kaga jiro xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo oo la wariyey in ay doonayso in ay dib ula soo saxeexato saddex sannadood kaddib markii ay Juventus kaga iibisay 105 milyan oo Euro.

Xiddiga Juventus ayaa la sheegay in uu doonayo inuu iskaga tago horyaalka waddanka Talyaaniga, waxaana lala xidhiidhiyey kooxo ay ku jiraan Real Madrid, Paris Saint-Germain, iyo Manchester  United, laakiin tababare Carlo Ancelotti ayaa ka jawaabay warkan, waxaanu caddeeyey in aanu meelna kaga jirin qorshihiisa.

“Cristiano waa halyey Real Madrid oo haysta dhamaan jacaylkayga iyo ixtiraamkayga. Laakiin marnaba kuma aanan fikirin in aan lasoo saxeexdo. Hore ayaanu u soconaynaa.” Ayuu yidhi Ancelotti.

Ronaldo ayay 12 bilood ka hadhsan yihiin heshiiskiisa Juventus, waxaanay wararku sheegayaan in uu ka tegi doono ka hor inta aan la gaadhin August 31 oo ah dhamaadka bishan, taas oo ka dhigan in aanu dhamaysanayn qandaraaskiisa.

Real Madrid oo uu yahay ciyaartoygeeda ugu goolasha badan abid ayaa iska saartay liiska kooxaha ay suurtogalka tahay inay la saxeexdaan, waxaanay warbaahinta Talyaaniga gaar ahaan wargeyska Corriere dello Sport uu sheegayaa in kooxda Ingiriiska ah ee Manchester City ay tahay naadiga ugu cadcad.

Si kastaba, labada usbuuca ee ka hadhsan waqtiga uu xidhmayo suuqa iibka ciyaartoyda ayaa la filayaa in wax badan kasoo kordhaan Ronaldo oo kooxdii ugu weynayd ee lala xidhiidhinayey ee PSG aanay hadda diyaar u ahayn oo ay heleen Lionel Messi, halka Real Madrid ay iyaduna xaqiijisay in aanay doonayn.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More