RASMI: Liverpool Oo Heshiis La Gashay Wiilkii Da’da Yaraa Ee Ka

Oakley Cannonier oo ahaa wiilkii carruurta ahaa ee kubadda sida degdegga ah ugu soo dhiibay Trent Alexander-Arnold kulankii ay Liverpool 4-0 ku garaacday Barcelona ee ay ugu gudbeen finalkii 2019 ayaa qalinka ku duugay heshiis rasmi ah oo uu kaga mid noqonayo ciyaartoyda Reds.

Cannonier oo ay da’diisu tahay 17 jir ayaa ka ciyaara afka hore ee weerarka waxaanu xirfaddiisa kasoo bilaabay Leeds United oo uu ka mid noqday isagoo 12 jir ahaa.

Laacibkan yar ayay Liverpool u haysataa halyey iyo inuu qayb weyn ka ahaa guushii Champions League ee sannadkii 2019 ee ay koobka ka qaadeen Tottenham, waxaana si gaar ah loogu amaanay qaabkii iyo fikirkii degdegga ahaa ee uu la yimid ee uu kubadda sida dhakhsaha ah ugu tuuray Alexander-Arnold oo isaguna si degdeg ah usoo laaday, isla markaana lugta u geliyey Divoc Origi oo 4-0 ka dhigay ciyaarta, iyadoo lugtii horena lagaga badiyey 3-0.

Guushan weyn ee soo laabashada ah ayaa waxay siisay Liverpool niyad-weyn iyagoo finalkiina 2-0 ku garaacay Tottenham oo ay koobka ka qaadeen.

Halyeyga Liverpool ee Graeme Souness ayaa habeenkii uu Oakley Cannonier dhiibay kubaddaas waxa uu u diray mahad-celin isagoo qiray inuu guushaas qayb libaax ku lahaa.

“Bal daawo tan, waynu goobaabaynaa. Waxay kubaddu u baxday koorne. Waxay raacayeen kubadda…eeg wiilka kubadda ee halkan. Markiiba degdeg ayuu ahaa.” Ayuu yidhi Grame Souness oo ka mid ahaa falanqeeyeyaashii ciyaartaas.

Xilliga uu Oakley Cannonier dhiibay kubaddan waxay da’diisu ahayd 14 jir, laakiin hadda waa ciyaartoy ka tirsan Liverpool oo qalinka ku duugay heshiis rasmi ah oo uu kaga mid noqonayo ciyaartoyda kooxda.

Halkan ka daawo dhacdadii habeenkaas:

What a performance by the ball boy for the deciding goal. Should get an assist for the super-quick pass to @trentaa98 ???#LIVBAR pic.twitter.com/GpHBXBh4yG

— Dan Walker (@mrdanwalker) May 7, 2019

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More