RASMI: Lambarada Ay Xidhanayaan Ciyaaryahanadda Xulka Qaranka England Oo

Kaddib markii uu Gareth Southgate ku dhawaaqay liiska kama dambaysta ah ee 26ka ciyaartoy ee xulka qaranka England ee ka qayb-geli doona  tartanak qaramada Yurub ee Euro 2020 ee toddobaad kaddib bilaabmi doona, waxa iyagana la shaaciyey lambarrada ay xidhanayaan ciyaartoydu.

- Advertisement -

Xulka qaranka England ee lagu naanayso THE THREE LIONS, ayaa ciyarta ugu horreysa ee tartanka qaramada Yurub waxay kulmi doonaan Croatia maalinta Axadda ee June 13.

Southgate ayaa Salaasadii soo saaray liiska rasmiga ah iyadoo uu ka saaray lixda ciyaartoy ee James Ward-Prowse, Ben Godfrey, Ollie Watkins, Jesse Lingard, Ben White iyo Aaron Ramsdale oo hore uga mid ahaa 33kii laacib ee liiskii hordhaca ahaa.

Jordan Picford oo hore u ahaa goolhayaha koowaad ee xulka qaranka England ayaa la siiyey lambarka 1aad ee uu hore u haysan jiray, waxaana la tuhunsan yahay in taasi meesha ka saarayso shaki la gelinayay in uu noqon doono xulashada koowaad ee Southgate.

Kyle Walker ayaa No.2 waxa uu ka xoogsaday Trent Alexander-Arnold, Reece James iyo Kieran Trippier.

Difaaca Liveprool ee Alexander-Arnold ayaa la siiyey No.22, Reece James ayaa qaatay No.24, halka Kieran Trippier uu No.12 xidhan doono.

Lambarrada ciyaartoyda xulka qaranka England ee dhabarkooda ka muuqan doona Euro 2020:

1 – Pickford

2 – Walker

3 – Shaw

4 – Rice

5 – Stones

6 – Maguire

7 – Grealish

8 – Henderson, J.

9 – Kane

10 – Sterling

11 – Rashford

12 – Trippier

13 – Henderson, D

14 – Phillips

15 – Mings

16 – Coady

17 – Sancho

18 – Calvert-Lewin

19 – Mount

20 – Foden

21 – Chilwell

22 – Alexander-Arnold

23 – Johnstone

24 – James

25 – Saka

26 – Bellingham

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More