Rasmi: Gareth Southgate oo shaaca ka qaaday xiddigaha
Tababaraha xulka England Gareth Southgate ayaa dib ugu yeeray xulkiisii ugu dambeeyay ee ka qeyb galaya isreebreebka koobka adduunka ee bishaan.
Jesse Lingard, Luke Shaw iyo John Stones oo wacdaro ka dhigay Premier League bilihii la soo dhaafay ayaa lagu soo daray xulka England.
Weeraryahanka Aston Villa Ollie Watkins iyo goolhayaha West Bromwich Albion Sam Johnstone ayaa lagu soo daray xulka England ee Gareth Southgate markii ugu horeysay maanta.
Daafaca Liverpool Trent Alexandre-Arnold ayaa laga reebay liiska 26-ka ciyaaryahan ee England markii ugu horeysay.
England ayaa wajihi doonta San Marino 25-ka Maarso kahor inta aysan u safrin Albania 28-ka Maarso iyo ciyaar seddexaad oo ay la ciyaaraan Poland 31-ka Maarso.
17-jirka Juss Bellingham ee qadka dhexe Borussia Dortmund ayaa lagu soo daray kooxda, laakiin waxaa laga yaabaa in looga tago madaama laga ganaaxay Korona Fayra.
Xulka England
Goolal: Dean Henderson (Manchester United), Sam Johnstone (West Brom), Nick Pope (Burnley).
Daafacyada: Ben Chilwell (Chelsea), Conor Coady (Wolves), Eric Dier (Tottenham), Reece James (Chelsea), Harry Maguire (Manchester United), Tyrone Mings (Aston Villa), Luke Shaw (Manchester United), John Stones ( Manchester City), Kieran Trippier (Atletico Madrid), Kyle Walker (Manchester City).
Dhexda: Jude Bellingham (Borussia Dortmund), Phil Foden (Manchester City), Jesse Lingard (West Ham, amaah kaga yimid Manchester United), Mason Mount (Chelsea), Kalvin Phillips (Leeds), Declan Rice (West Ham), James Ward – Prowse (Southampton).
Weerarka: Dominic Calvert-Lewin (Everton), Harry Kane (Tottenham), Marcus Rashford (Manchester United), Bukayo Saka (Arsenal), Raheem Sterling (Manchester City), Ollie Watkins (Aston Villa).