RASMI: Askari Boolis Ah Oo Loo Doortay In Uu Noqdo Garsooraha Kulanka

Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa shaaciyey garsooraha qaban doona kulanka Real Madrid ay Salaasada ku martigelin doonto Chelsea ee lugta hore ee semi-finalka Champions League.

Real Madrid ayaa garoonkeeda kusoo dhoweyn doonta Chelsea lugta hore ee semi-finalka kaas oo dhici doona Salaasada, hase yeeshee Arbacada toddobaadka dambe ayay Chelsea helaysaa fursadda loogu ciyaarayo garoonkeeda, iyadoo Stamford Bridge ku martigelin doonta Real Madrid.

Kulamada semi-finalka oo ay hadheeyeen qalalaasaha kubadda cagta ku habsaday usbuucii hore markii ay kooxaha waaweyni soo bandhigeen tartanka ESL ee ay iyagu samaysteen, ayaa waxa kale oo mugdi geliyey hanjabaado ka imanayay UEFA oo ay ku sheegaysay in ay tartanka ka saarayso kooxaha qaybta ka noqday ESL.

Kaddib markii ay kooxaha badankoodu ka baxeen tartanka Super League, waxa meesha ka baxay hanjabaaddii UEFA ee ahayd in kooxaha qaarkood laga caydhinayo semi-finalka, waxaana ugu dambayntii ay soo saartay garsooraha qabanaya kulanka xiisaha leh ee Real Madrid iyo Chelsea.

Danny Makkelie oo Dutch ah ayaa loo doortay in uu qabto kulanka lugta hore ee semi-finalka Champions League ee Real Madrid iyo Chelsea.

Garsoore Danny Makkelie  oo ay da’diisu tahay 38 jir, ayaa sidoo kalena ah askari boolis ah oo ka tirsan ciidamada amniga ee waddankiisa, hase yeeshee waxa uu dhinaca ciyaarahana ku jiraa garsooreyaasha ugu wanaagsan.

Waxa uu hore usoo qabtay kulankii wareegga 16ka ee Real Madrid ay 3-1 kaga badisay Atalanta, halka Chelsea na uu laba kulan u noqday garsoore.

Kulankii Chelsea ay barbarraha 1-1 la gashay Atletico Madrid sannadkii 2017 iyo ciyaartii ay Blues xasuuqa 6-0 u geysatay Maribor sannadkii 2014 ayuu Danny Makkelie  garosore ka ahaa.

UEFA waxa kale oo ay sheegtay in Danny Makkelie ay la shaqayn doonaan Hessel Steegtra iyo Jan de Vries oo calan-wadeyaal ah iyo waliba Kevin Blom oo garsooraha VAR noqon doona.

Your browser does not support the audio element.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More