Qiimeynta Ciyaartoyda Kulankii La Xasuuqay Liverpool, Xiddig

Ma jiro ereyo ku haboon oo lagu qeexi karo wixii caawa ku dhacay kooxda difaacaneysa horyaalka ee Liverpool kuwaasoo xasuuq 7-2 kala kulmay kooxda Aston Villa oo gaartay guusheedii labaad ee ugu weyneyd abid ee taariikhda Premier League.

Liverpool ayaa soo bandhigtay qaab ciyaareedkii ugu xumaa ee lagu arko sannadihii u danbeeyay mana aysan u muuqin inay yihiin kooxda horyaalka qaaday xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.

Goolhayahooda wuxuu ahaa been boode, daafacooda wuxuu ka jilcanaa muuska, khadkooda dhexe jahwareer ayaa heystay weerarkana caawin la’aan ayay ahaayeen.

Laakiin taasi meesha kama saareyso in Aston Villa ay soo bandhigeen qaab ciyaareed sarre oo loo bogay isku xirkooda khadka dhexe iyo weerarka wuxuu ahaa mid cajiib ah, sida ay kubada u difaacanayeen waxay aheyd sidii ugu fiicneyd ee koox sarre laga rabay.

XIDDIGA GAROONKA: Ollie Watkins (Aston Villa)

Wuxuu argagixiyay Joe Gomez isagoo mar walba ka soo xaroonayay garabka bidix. Seddexdiisa gool wuxuu u dhameystiray saixdii ugu fiicneyd, wuxuuna durbaba cadeeyay inuu u qalmo lacagtii qaaliga aheyd ee ay ka soo bixisay kooxda Aston Villa. Waxaa iyagana xusid mudan oo qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay Jack Grealish iyo xiddiga khadka dhexe Luiz, McGinn iyo Barkley, waxaan isna ka marneyn xiddiga reer Masar Trezeguet.

XIDDIGII FASHILMAY CAAWA

Labo xiddig ayaa Liverpool u sababay qasaarada ugu badan caawa, waxayna heelen qiimeyn eber ah sida inaysan garoonka soo gelinba. Kan koowaad waa goolhaye Adrian oo bedelay Alisson oo dhaawac ahaa caawa kaasoo dhiibtay goolkii ugu horeeyay ee ciyaarta, goolasha kalena noqday been boode aan waxba celinin inkastoo goolasha qaar uusan qalad ku laheyn. Waxaa isna qiimeyn eber ah helay Gomez oo aan waxba difaacanin islamarkaana ah daafaca ugu jilicsan daafacyada Liverpool oo caawa aad u liita. Daafacyada kale ee Alexander-Arnold iyo Van Dijk ayaa helay qiimeyn hoose oo 3 ah.

QIIMEYN CIYAARTOYDA

ASTON VILLA: Martinez 7, Cash 7, Konsa 7, Mings 7, Targett 7, Luiz 8, McGinn 8, Barkley 8, Grealish 9, Trezeguet 8, Watkins 9.

Bedel: Nakamba n/a, El Mohamady n/a, Traore n/a.

LIVERPOOL: Adrian 0, Alexander-Arnold 3, Gomez 0, Van Dijk 3, Robertson 5, Fabinho 5, Wijnaldum 5, Keita 5, Salah 6, Firmino 5, Jota 6.

Bedel: Minamino 5, Jones 5, Milner 5.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More