QIIMAYN: Ramos, Ronaldo, Zidane – 50kii Xiddig Ee Ugu Wanaagsanaa

Kaddib markii lagu dhawaaqay in Sergio Ramos uu si rasmi ah uga tegay, macasalaamayna loogu sii sameeyey Santiago Bernabeu, waxa lasoo saaray qiimaynta 50kii ciyaartoy ee ugu wanaagsanaa taariikhda kooxda Real Madrid.

Ramos ayaa Khamiistii oohin ku sagootiyey Real Madrid isagoo caddeeyey in heshiis ay siin weyday kooxdu, kaddibna uu ku qasbanaaday inuu tago.

“Waqtigii ayaa yimid, mid ka mid  ah waqtiyadii ugu adkaa noloshayda weeyaan in aan nabad-gelyo idhaahdo Real Madrid.” Ayuu yidhi Ramos.

Sergio Ramos ayaa Los Blancos u saftay 671 ciyaarood oo uu u dhaliyey 101 gool isagoo ka caawiyey inay ku guuleystaan 22 koob.

Shaki kuma jiro in uu 35 jirkani ka mid yahay halyeeyada kooxda, laakiin su’aashu waxay tahay halkee ayuu kaga jiraa liiska ciyaartoydii ugu wanaagsanaa ee soo xidhay shaadhka cad ee Real Madrid?

Wargeyska AS ee kasoo baxa waddanka Spain ayaa qiimayn ku sameeyey ciyaartoyda kooxdaas, waxaanu Ramos soo galay kaalinta 13aad, iyadoo uu xataa kasii dambeeyo Fernando Hierro oo ahaa laacibkii xidhan jiray lambarka 4 ee uu ka dhaxlay.

Xiddigii ugu fiicnaa Real Madrid ayaa waxay qiimayntani muujisay in uu ahaa Alfredo Di Stefano oo aanay wax dood ahi ka taagnayn, waxaana kaalinta labaad soo galay Cristiano Ronaldo.

Halkan kaga bogo qiimaynta 50kii ciyaartoy ee ugu wanaagsanaa taariikhda Real Madrid:

50. David Beckham

49. Jacinto Quincoces

48. Laurie Cunningham

47. José Santamaría

46. Steve McMannaman

45. Vicente del Bosque

44. Goyo Benito

43. Luka Modric

42. Marcelo

41. Karim Benzema

40. Fernandes Morientes

39. Claude Makelele

38. Angel Di Maria

37. Martin Vazquez

36. Marquitos

35. Miguel Munoz

34. José María Zárraga

33. Francisco Buyo

32. Rafael Gordillo

31. Pepe

 

30. Chendo

28. Ignacio Zoco

27. Roberto Carlos

26. Hector Rial

25. Ricardo Zamora

24. Manolo

23. Iván Zamorano

22. Santiago Bernabeu

21. Ronaldo Nazario

20. Raymond Kopa

19. José Antonio Camacho

18. Santillana

17. Fernando Redondo

16. Predrag Mijatović

15. Gareth Bale

14. Juanito

13. Sergio Ramos

12. Fernando Hierro

11. Hugo Sanchez

10. Emilio Butragueño

9. Pirri

8. Amancio Amaro

7. Iker Casillas

6. Raul

5. Zinedine Zidane

4. Ferenc Puskas

3. Paco Gento

2. Cristiano Ronaldo

1. Alfredo Di Stefano

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More