QIIMAYN: 50ka Difaac Ee Ugu Wanaagsan Dunida Waqtigan, Dias Oo 9aad U

Difaaca Manchester City ee Ruben Dias oo la saadaalinayo in uu noqon doono ciyaartoyga ugu wanaagsan horyaalka Ingiriiska ee Premier League ayaa u dhacay kaalinta sagaalaad ee difaacyahannada ugu wanaagsan dunida, waxaana kasoo hormaray laacib kale oo isla kooxdaas ah oo bandhig fiican ka muujiyey garoomada.

John Stones ayaa difaaca ugu wanaagsan ku garaacay Dias oo sagaalaad ku jira iyo Aymeric Laporte oo 16aad ku jira, waxaana kaalinta labaad soo galay Edmond Tapsoba oo u ciyaara Bayern Leverkusen.

Stones oo ay da’diisu tahay 26 jir ayaa bandhig fiican ka sameeyey horyaalka Premier League tan iyo markii uu £47.5 milyan oo Gini ay Manchester City kagala soo wareegtay Everton sannadkii 2016, laakiin waxa uu bandhiggiisu heersare noqday xilli ciyaareedkan oo ay si fiican iskula jaan-qaadeen Dias.

33 kulan oo dhamaan tartamada ah ayuu saftay xilli ciyaareedkan, waxaana uu qayb ka noqday safka dedaalka badan sameeyey ee ku guuleystay Premier League iyo League Cup/Carabao Cup, halka ay finalka Champions League usbuuca dambe la ciyaari doonaan Chelsea.

Shabakdda FootballCritic ayaa qiimayn ku samaysay difaacyada ugu wanaagsan dunida, waxaana Edmond Tapsoba oo labaad fadhiya ku xiga Sergio Ramos oo ah kabtanka Real Madrid oo inta badan xilli ciyaareedkan u fadhiyey dhaawac, halka kaalinta afraad uu soo galay difaaca reer Brazil ee Thiago Silva oo Chelsea xilli ciyaareedkiisii u horreeyey la qaadanaysa, isla markaana bandhig sarreeya muujiyey.

Halkan kaga bogo qiimaynta 50ka difaac ee ugu wanaagsan:

50. Merih Demiral (Juventus)

49. Yunis Abdelhamid (Reims)

48. Jose Gimenez (Atletico Madrid)

47. Clement Lenglet (Barcelona)

46. Dayot Upamecano (RB Leipzig)

45. Stefan Savic (Atletico Madrid)

44. Liam Cooper (Leeds United)

43. Wesley Fofana (Leicester City)

42. Junior Alonso (Atletico Mineiro)

41. Sebastian Coates (Sporting CP)

40. John Brooks (Wolfsburg)

39. Victor Lindelof (Manchester United)

38. Eric Garcia (Manchester City)

37. Davinson Sanchez (Tottenham Hotspur)

36. Marquinhos (Paris Saint-Germain)

35. Aleksandar Dragovic (Bayer Leverkusen)

34. Simon Kjaer (AC Milan)

33. Guillermo Maripan (Monaco)

32. Kalidou Koulibaly (Napoli)

31. Matthijs de Ligt (Juventus)

30. Jerome Boateng (Bayern Munich)

29. Oscar Mingueza (Barcelona)

27. Jules Kounde (Sevilla)

26. Giorgio Chiellini (Juventus)

25. Niklas Sule (Bayern Munich)

24. Jonny Evans (Leicester City)

23. Joachim Andersen (Fulham)

22. Nacho Fernandez (Real Madrid)

21. Gerard Pique (Barcelona)

20. Stefan de Vrij (Inter Milan)

19. David Alaba (Bayern Munich)

18. Aissa Mandi (Real Betis)

17. Maxence Lacroix (Wolfsburg)

16. Aymeric Laporte (Manchester City)

15. Caglar Soyuncu (Leicester City)

14. Lewis Dunk (Brighton and Hove Albion)

13. Harry Maguire (Manchester United)

12. Mats Hummels (Borussia Dortmund)

11. Eder Militao (Real Madrid)

10. Raphael Varane (Real Madrid)

9. Ruben Dias (Manchester City)

8. Andreas Christensen (Chelsea)

7. Nico Elvedi (Borussia Monchengladbach)

6. Willi Orban (RB Leipzig)

4. Thiago Silva (Chelsea)

3. Sergio Ramos (Real Madrid)

2. Edmond Tapsoba (Bayer Leverkusen)

1. John Stones (Manchester City)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More