“Qandaraas 10 Sano Ah Ayay Barcelona Isoo Bandhigtay, Waxa

Xiddigii hore ee da’yarta xulka qaranka England ee John Bostock oo hadda koox la’aan ah kaddib markii uu dhawaan iskaga tagay Toulouse kaddib markii heshiiskiisa la kansalay ayaa dib u gocday markii uu da’yarka ahaa iyo kooxihii doonayay.

Bostock oo hadda 28 sano jir ah ayaa soo qaatay sanadihii ugu dambeeyay wakhti adag iyo waayo ciyaareed oo aan sal dhigasho lahayn kaddib markii uu tobbankii sano ee ugu dambeeyay kusoo qaatay tobban kooxood oo kala duwan.

Si kastaba, waayihiisa ciyaareed ayaa gabi ahaanba sidaas ka duwanaan karayay, John Bostock ayaa sheegay in sanadkii 2006 markii uu wiilka yar ahaa ay qandaraas mudo dheer ah usoo bandhigtay Barcelona walow uusan aqbalin.

Arrinta xiisaha badan usii yeelaysay dalabka ay Barcelona u bandhigtay ayaa ahaa in Ronaldinho oo geesigiisa ahaa wakhtigaas ay usoo adeegsatay xilli uu gudaha sanadkaas uun Champions League ku hoggaamiyay kooxda.

Intaas waxa dheer in John uu sheegay in badi kooxaha waaweyn ee Yurub ay doonayeen saxeexiisa isaga oo xusay tiro kooxo ah oo magac weyn leh.

Bostock ayaa isaga oo BBC Sport la hadlayay yidhi “Markii aan 14 sano jirka ahaa, Barcelona waxay isoo bandhigtay qandaraas 10 sano ah”

“Ronaldinho ayaa ahaa xiddiga dookhayga ah wakhtigaas sidaas darteed waxay isoo direen boosto saxeexan oo isaga ka timid, wali waxaan ku haystaa gurigayga London, waxa ku qoran ‘Ku socota John ka timid Ronaldinho”

“Koox baad sheegaysaa waa koox aan xiiso ka helay (I doonaysay), Barcelona, Real Madrid, Inter Milan, Manchester United, Chelsea, Liverpool, kuwa ugu waaweyn ee kubadda cagta Yurub”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More