Qalliinkii Virgil van Dijk Miyuu Qaldamay? Jurgen Klopp Oo

Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa sheegay in dhaawacii jilibka ee Virgil van Dijk uu waji kale yeeshay, isla markaana aanu ‘jilibkii u muuqanin sidii ay ahayd inuu noqdo’.

- Advertisement -

Klopp oo warbaahinta la hadlayay Isniinta maanta ayaa waxa uu xaqiijiyey in Van Dijk oo ka jabay jilibka kaddibna qalliin lagu sameeyey bishii October ay hadda xaaladdiisu ka duwan tahay sidii la filayay.

Difaaca reer Netherlands ayaa la filayay inuu garoomada kusoo laabto toddoba illaa siddeed bilood kaddib markii uu goolyaha Everton ee Jordan Pickford ku qabtay taakal sababay in garoonka laga saaro isla markiiba.

Liverpool ayaa waqtigaas shaacisay in qalliinka lagu sameeyey Virgil van Dijk uu guuleystay iyadoo ka gaabsatay inay cayinto waqtiga uu soo laaban doono.

Tababare Jurgen Klopp oo maanta la hadlayay warbaahinta ayaa waxa la weydiiyey sida uu yahay xaalkiisu, waxaana uu ka dayriyey dhaawaca isagoo xusay inuu u muuqdo mid ka duwan sidii la filayay inuu ahaado waqtigan.

Jurgen Klopp ayaa yidhi: “Marka la tixgeliyo duruufaha, wuu fiican yahay laakiin jilibkiisu uma eka mid wanaagsan. Uma muuqdo sidii ay ahayd inuu ahaado waqtigan, laakiin waxay ila tahay in qalliinkaasi uu ahaa mid wanaagsan.”

Liverpool waxa kale oo dhaawac kaga maqan Joe Gomez iyo Trent Alexander Arnold, waxaanu Klopp war togan ka sheegay difaaca midig ee kooxdiisa, waxaanu yidhi: “Trent wuxuu u muuqdaa inuu fiican yahay. Wali cidina uma ogolaanin inuu safto kulanka berri, laakiin waxaan ku arkay garoonka isagoo soo kabanayanaya, sidaa darteed wuxuu u muuqdaa inuu wanaagsan yahay, aniguse ma go’aamin karayo xilliga uu soo laaban doono. Laakiin marka aan ka duulo wixii aan maanta ku arkay, waqti badan masii maqnaan doono.”

Thiago Alcantara oo isaguna dhaawac ahaa ayuu Jurgen Klopp sheegay in aanu wali diyaar ahayn, waxaanu yidhi: “Markii uu ku dhaawacmay ciyaartii Everton, waxa kale oo jiray dhaawac xun oo kale. Isagu (Thiago) muu ahayn jabniin balse wuxuu saamayn badan ku yeeshay jilibkiisa.

“Tababarka wuxuu u samaynayaa si qunyar-qunyar ah laakiin waqtigan diyaar maaha. Ma sheegi karayo dhab ahaan marka uu taam noqon doono laakiin waxay qaadan doontaa toddobaadyo.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More