Philippe Coutinho Oo Kusii Jeeda Koox Premier League Oo Aanad Rumaysan

Xiddiga reer Brazil ee Philippe Coutinho ayay kooxdiisa Barcelona isku dayaysaa in ay iibiso xagaagan oo ay ka hesho lacag ay ku dheelli-tirto xisaabteeda janjeedhku ku jiro ee daynta badan lagu leeyahay.

29 jirkan oo sannadkii 2018 ay Barcelona kasoo iibsatay Liverpool, illaa haddana ah xiddiga ugu qaalisan taariikhda kooxdaas, ayaa waxa uu xilli ciyaareedkii ugu dambeeyey qaybo badan oo ka mid ah ku qaatay dhaawac, halka uu midkii kasii horreeyeyna amaah ugu maqnaa Bayern Munich.

Madaxweyne Joan Laporta ayaa Coutinho ku daray liiska ciyaartoyda ay iibinayaan xagaagan, si ay meesha uga saaraan mushaharkiisa xad-dhaafka ah, isla markaana ay uga helaan xoogaa lacag ah oo ka caawisa inay ku furfuraan dhibaatada dhaqaale ee haysata kooxdan.

Dhawr kooxood oo Premier League ah ayaa lagu soo warramayaa in ay xiisaynayaan Coutinho, laakiin koox lama filaan ah ayaa hoggaanka u qabatay oo ugu cadcad  illaa hadda, waana Leicester City oo uu joogo tababare Brendan Rodgers oo xilli ciyaareedkii 2013/14 ay laacibkan wada joogeen Liverpool.

Coutinho ayaa qaaradda Yurub sannadkii 2008, waxaanu ku biiray Inter Milan oo amaahyo ugu dirtay kooxdiisii hore ee Vasco da Gama iyo Espanyol.

Iyadoo ay da’diisu tahay 21 jir ayey Liverpool lasoo wareegtay June 2013, waxaana uu halbowle ka noqday safkii tababare Brendan Rodgers, iyadoo kulankiisii ugu horreeyeyna uu saftay February 2013 taas oo ahayd ciyaar guul-darro ay la kulmeen oo West Brom ay kaga badisay 2-0 iyagoo waliba jooga garoonkooda Anfield.

Brendan Rodgers ayaa rumaysan in Coutinho uu kooxdiisa wax badan kusoo kordhin doono, isla markaana uu ku ciyaari doono shax ka kooban 3-4-1-2 oo uu Coutinho ka dambayn doono labada weeraryahan ee Jamie Vardy iyo Kelechi Iheanacho, waana booska uu laacibkani ugu fiican yahay inuu ka ciyaaro.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More