Pep Guardiola Oo Shaaciyey SADDEX Sababood Oo Aanay Ula Saxeexanayn

Pep Guardiola ayaa meesha ka saaray in kooxdiisa Manchester City ay lasoo saxeexan doonto xiddiga reer Norway ee Erling Haaland oo ay ku dagaallamayaan inta badan kooxaha waaweyn ee lacagta haysta.

Wakiilka laacibkan ee Mino Raiola ayaa safar ku maraya qaaradda Yurub isagoo la kulmaya kooxaha raadinaya, waxaase Pep Guardiola uu kooxdiisa Man City ka saaray liiska naadiyada ay suurtogalka tahay inay la  saxeexdaan Erling Haaland.

20 jirkan ayaa dhowaan lasoo bandhigay sawir uu xidhan yahay shaadhka Manchester City ee waqtigii uu aabbihii u ciyaari jiray naadigaas oo ahayd muddadii u dhaxaysay 2000 illaa 2003, markaas oo isagoo laba sannadood oo kaliya jira uu Haaland aabbihii la degganaa Manchester.

Manchester City oo uu xagaaga ka tegayo weeraryahanka reer Argentian ee Sergio Aguero ayaa la sheegay in ay raadinayso beddelkiisa, laakiin tababare Pep Guardiola oo maanta wax laga weydiiyey haddii ay Erling Haaland ka dhigayaan beddelka Aguero ayaa shaaciyey saddex sababood oo aanay da’yarkan ula soo saxeexanayn.

Sabab dhaqaale

Sababta koowaad ee aanay Manchester City iskugu dayi doonin in ay lasoo wareegto Haaland ayuu Guardiola ku sheegay qiimihiisa qaaliga ah, waxaanu yidhi: “Qiimeyaashan ma awoodno in aanu ku iibsano wax weeraryahanno ah, suurtogalna maaha, mana awoodno. Dhamaan kooxuhu waxay la dhibaatoonayaan dhaqaale xumo, annaguna ka mid ayaanu nahay.”

Ciyaaryahanadda uu haysto

Guardiola waxa kale oo uu sheegay in ay kooxdiisu haysato ciyaartooyo kale oo buuxin kara booska Sergio Aguero oo xilli ciyaareedkanba isagoo dhaawac ku maqan aanay tabin.

Isagoo sii sharraxaya sababta aanay beddelka Aguero uga dhiganayn Haaland ayaa yidhi: “Waxa aanu haysanaa ciyaartooyo kale oo wanaagsan. Waxa aanu haysanaa Gabirel Jesus, Ferran Totten oo cajiib ah.”

Waxa kale oo uu tilmaamay in ay jiraan ciyaartooyo da’yar oo kasoo baxay kulliyadda sida Liam Delop oo ah dhaliye wanaagsan oo tababarka la qaata kooxda koowaad, xilli ciyaareedka dambena loo soo dallacsiin doono kooxda.

Qaab ciyaareedka

Tababare Pep Guardiola waxa uu sababta saddexaad ee aanay Haaland ula soo saxeexanayn ku sheegay qaab ciyaareedka kooxdiisa, isagoo tilmaamay in si ka duwan kooxaha kale ay u dheelaan.

Halkii ay lacag badan ku bixin lahaayeen Erling Haaland, Guardiola waxa uu tibaaxay in booskaas uu ka ciyaari karayo Raheem Sterling oo noqonaya 9ka beenta ah, waxaanu yidhi: “Raheem ayaa ah 9ka beenta ah. Maanta waxa jira fursado badan oo aanaan ugu baahnayn saxeexa weeraryahan.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More