Paul Ince Oo Saadaaliyey Kulanka Adag Ee Manchester City vs

Paul Ince ayaa rumaysan in kulanka Axadda ay ku ballansan yihiin Manchester City iyo Liverpool uu noqon doono mid goolal shan ah ay labada kooxood iska dhaliyaan, isla markaana isbeddel ku iman doono figta sare ee kala-sarraynta kooxaha.

Tababare Jurgen Klopp ayay kooxdiisu u safraysaa Magaalada Manchester oo ay garoonka Etihad Stadium kula ballansan tahay Man City, waxaanay ciyaartani kusoo beegantay xilli ay ka maqan yihiin Virgil van Dijk oo aanu sannadka oo dhan ku xisaabtami doonin iyo Thiago Alacantara oo aan kulankan taam u ahayn.

Paul Ince waxa uu ku biiray khubarada ciyaaraha ee niyadjabka ugu sii bushaaraynaya Liverpool, waxaanu raacay dariiqii Mark Lawrenson oo hore usii saadaaliyey in laga badin doono kooxda horyaalka difaacanaysa marka ay Axadda u tagaan Manchester City, isla markaana ay guul-darroodii labaad ee xili ciyaareedkani ku habsan doonto.

Liverpool oo hore ay Aston Villa ugu garaacday 7-2, ayaa waxa kale oo ay gashay barbarro kulankii Everton ahaa, taas oo ka dhigan inay lumisay shan dhibcood toddobadii ciyaarood ee ay dheeshay.

Paul Ince oo ka hadlayay kulamada usbuucan ayaa waxa uu saadaaliyey in Manchester City ay guushu ku raaci doonto 3-2 marka ay Liverpool soo dhoweyso, laakiin haddana waxa uu Jurgen Klopp iyo wiilashiisa kaga farxiyey inay yihiin kooxda ugu mudan hanashada horyaalka oo uu iyaga koobka u saadaalinayo.

Waxa kale oo uu Ince saadaaliyey kulanka Leicester City iyo Wolves oo uu sheegay in kooxda Dawacooyinku ay ku guuleysan doonaan 2-1.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More