Browsing Category
Sports
Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.
Jose Mourinho Koobka Carabao Cup Ka Ciribtiray Chelsea,
Tababare Jose Mourinho ayaa markii ugu horeysay gacanta sarre ka helay tababare Frank Lampard iyadoo kooxdiisa Tottenham ay rigoore 5-4 ku garaacday kooxda Chelsea xilli 90kii daqiiqo ee ciyaarta la isku mari waayay barbaro 1-1 ah.Chelsea ayaa hogaanka ciyaarta ku hormartay qeybtii hore iyadoo Timo Werner uu dhaliyay goolkiisii ugu horeysay ee Blues laakiin dhamaadkii ciyaarta waxaa Tottenham u barbareeyay Erik Lamela.Tottenham ayaana u soo baxday wareega sideed dhamaadka Carabao Cup ka dib markii Mason Mount laga…
Man City Oo Dhameystirtay Saxiixa Daafac Adag Oo Ay 62
Manchester City ayaa dhameystirtay saxiixa daafaca reer Portugal, Ruben Dias oo ay 62 milyan ginni uga soo iibsadeen kooxda Benfica.
23 jirkaan daafaca dhexe ayaa u saxiixay kooxda Manchester City heshiis lix sannadood ah isagoo kooxda ku negaanaya ilaa iyo xagaaga 2026.
Ruben Dias ayaa noqonaya saxiixii seddexaad ee tababare Pep Guardiola uu sameeyo xagaagan ka dib Ferran Torres iyo daafaca kale Nathan Ake.
Dias ayaa in ka badan 100 kulan u saftay kooxdas Benfica mudadii seddexda xilli ciyaareed ee uu joogay.…
Muxuu Ahaa Hadalkii Aflagaadada Ahaa Ee Uu Jose Mourinho Ku
Shaki kuma jiro in Frank Lampard uu cadaadis badan saaran yahay xagaagan. Ka dib markii uu qarashgareeyay 220 milyan ginni, waxaa laga filanayaa inuu koobab keeno Stamford Bridge xilli ciyaareedkan.Liiska koobabka laga doonayo waxaa u hooseeya Carabao Cup laakiin marka aad ka horimaaneyso kooxda Tottenham oo uu hogaaminayo Jose Mourinho waa qasab inaad si dhab ah u wajahdo tartanka.Lampard ayaana sidaasi sameeyay isagoo shax xoogan u magacaabay kulanka Tottenham Hotspur Stadium ee wareega 16ka ee Carabao Cup.Timo Werner ayaa…
Shaxda Rasmiga Ah Ee Tottenham vs Chelsea – Lampard Oo
Kooxaha Tottenham iyo Chelsea ayaa caawa ku balansan kulan ka tirsan wareega 16ka ee Carabao Cup iyadoo Mourinho uu ka horimaanaya ardaygiisii hore Frank Lampard oo hogaaminaya Blues.Kulankaan ayaa ka dhacay garoonka Tottenham Hotspur Stadium iyadoo labada kooxood ay u tartamayaan inay u soo gudbaan wareega 8da ee koobka Carabao Cup.Tababare Frank Lampard ayaa soo safay markii ugu horeysay goolhayaha cusub Mendy kaasoo isbuucii la soo dhaafay ka soo wareegay kooxda Faransiiska ee Rennes halka Kepa uu fadhiyo kursiga…
Liverpool Oo Xaqiijisay In Saxiixooda Cusub Thiago Alcantara
Kooxda Liverpool ayaa xaqiijisay goor dhaweyd in saxiixooda cusub Thiago Alcantara uu ku dhacay cudurka halista ah ee Korona Fayras islamarkaana uu haatan ku jiro karantiil shaqsi ah.
Thiago oo Liverpool uga soo biiray isbuucii la soo dhaafay kooxda Bayern Munich ayaa kooxda u ciyaaray kaliya 45 daqiiqo oo uu dheelay kulankii Premier League ee ay ka badiyeen Chelsea.
Wuxuu gabi ahaanba seegay kulankii xalay ay Liverpool ka badisay Arsenal iyadoo la sheegay inuu dhaawac yar ku maqnaa.
Laakiin Liverpool ayaa haatan…
Borussia Dortmund Oo Ka Soo Jawaabtay Dalabkii 100ka Milyan
Manchester United ayaa dalab gaaraya 100 milyan euro oo u dhiganta 91.3 milyan ginni ka gudbisay xiddiga garabka ka ciyaara ee Borussia Dortmund Jadon Sancho sida ay sheegtay goor dhaweyd Sky Sports.
Sky Sports waxay sidoo kale sheegtay in Dortmund ay durbadiiba hore ka soo diiday dalabka ay soo gudbisay Manchester United.
Dalabka United wuxuu ahaa mid ay 80 milyan euro kaash ku bixinayaan halka 20ka milyan euro kale ay ku bixin lahaayeen sharuudo ku xiran qaab ciyaareedka xiddiga Ingariiska.
Dortmund ayaa diidan…
Dagaalka Afka Ah Ee U Dhaxeeya Jose Mourinho & Ole Gunnar
Ole Gunnar Solskjaer ayaa mar kale duray Jose Mourinho iyadoo dagaalka dhanka afka ah ee labada tababare ee taxane noqday.Solskjaer ayaa ku maadeystay Mourinho ka dib markii tababaraha Tottenham uu cabasho ka muujiyay biraha goolka ee kulankii Europa League ee ay ka badiyeen kooxda reer Macedonia ee Shkendija isagoo sheegay inay shan sentimitir ka gaabnaayeen sida caadiga aheyd.Mourinho ayaa isna dhankiisa duray Solskjaer isagoo sheegay in Manchester United ay ku tashato kaliya in rigoore loo dhigo, wuxuuna soo jeediyay in…
Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ee Ay Caawa Oo
Xanta suuqa kala iibsiga xagaaga ma ahan mid joogsato 24ka saacadood iyadoo warar cusub ay had iyo jeer ka soo kordhaan madaama ay kooxaha suuqa ugu jiraan xiddigo ay ku sii adkeeyaan kooxahooda.Hadaba waxaan caawa idiin soo uruurinay wararkii ugu danbeeyay ee ay warbaahinta Yurub ka qortay suuqa kala iibsiga xagaaga iyo heshiisyadii la dhameystiray saacadihii ugu danbeeyay.Manchester United ayaa isbuucaan dalab ka gudbin doona xiddiga Borussia Dortmund Jadon Sancho laakiin dalabkooda lama dhageysan doono sida ay sheegtay…
Lionel Messi Oo Lagu Qalqaalinayo Inuu Luis Suarez Kula
Fekrada ku saabsan in Lionel Messi uu ku biiro Atletico Madrid islamarkaana uu u ciyaaro waa wax aan haatan maskaxda ka degeynin laakiin sidaasi si la mid ah cidna kuma fekereynin in Luis Suarez uu ka tagayo Barcelona kuna biirayo Atletico Madrid.Luis Suarez ayaa kulankiisii ugu horeysay u saftay Atletico Madrid isagoo dhaliyay labo gool islamarkaana caawiye ka noqday gool kale, sidaasi darteed meesha lagama saari karo in Messi uu isna maro wadada Suarez.Xiddiga reer Argentina ayaa hore u soo xirtay maaliyada Atletico Madrid…
Gary Neville Oo Bedelay Saadaashiisa Kooxda Hanan Doonta
Daaficii hore ee Manchester United Gary Neville ayaa bedelay saadaashiisa hanashada horyaalka Premier League iyadoo kaliya seddex kulan la ciyaaray xilli ciyaareedka cusub.Kooxda difaacaneysa horyaalka ee Liverpool, Everton iyo Leicester City ayaa dhamaantood wada badiyay seddexdii kulan ee la ciyaaray.Kooxdii sannadkii hore gashay kaalinta labaad ee Manchester City ayaa ku bilaabatay xilli ciyaareed guul laakiin waxay guuldarro ceeb ah ka soo gaartay Leicester City oo uga badisay 5-2.Neville ayaa saadaaliyay ka hor bilowgii…