Xiddigii Chelsea Ee Timo Werner Oo Uu Ku Dhacay Korona

Xiddiga Chelsea ee Tiimo Werner ayaa laga saaray liiska ciyaartoyda xulka qaranka Germany ee isku diyaarinaya saddexda kulan ee caalamiga ah ee usbuuc-dhamaadkan iyo toddobaadka dambe, kaddib markii uu ku dhacay xanuunka halista ah ee Korona Fayras.

Tababaraha xulka qaranka Germany ee Joachim Low ayaa sheegay in Timo Werner lagu sameeyey baadhitaano dhawr ah oo lagu hubinayey xaaladdiisa caafimaad kaddib markii ay kasoo muuqdaan claadamaha durayga (hargabka), laakiin aanay soo bixin natiijadii ugu dambeysay.

Werner oo lagu daray xulka qaranka Germany ee isku-diyaarinaya kulanka saaxiibtinimo ee Arbacada berri ay la ciyaari doonaan Turkey iyo labada ciyaarood ee xiga ee UEFA Nations League ee Ukraine iyo Switzerland ay toddobaadka dambe la ciyaari doonaan, ayaa waxa hadda si buuxda looga saaray liiska, iyadoo uu gelayo Karantiil illaa toban maalmood ah.

Warar kale oo la helay ayaa waxay sheegayaan in Werner uu xanuunsanayay dhawrkii maalmood ee ugu dambeeyey ee uu xulka qarankiisa la joogay.

Joachim Low oo warbaahinta la hadlay ayaa yidhi: “Baadhitaano dhawr ah ayaa lagu sameeyey, laakiin natiijooyinku wali masoo bixin.”

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaan wax war ah kasoo saarin laacibkeedan uu xanuunku ku dhacay, waxaanay sugaysaa inta ay soo baxayaan natiijooyinka baadhitaanka rasmiga ah ee uu tababare Low sheegay in laga qaaday.

Xanuunkan oo ay isku calaamado yihiin durayga ama hargabka ayaa waxay keentay in iyadoo aanay baadhitaannaduba soo bixin karantiil lasii geliyo Werner oo laga dhex saaro ciyaartoyda kale.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More