Man United Oo Shaacisay Lambarka Uu Xiran Doono Edinson

Kooxda Manchester United ayaa ku dhawaaqday in saxiixooda cusub Edinson Cavani inuu xiran doono maaliyada No.7 xilli ciyaareedkan, iyadoo maaliyadaan ay banaaneyd tan iyo markii uu ka tagay Alexis Sanchez oo Inter Milan ku biiray.

Red Devils ayaa shalay oo aheyd maalintii ugu danbeysay suuqa kala iibsiga Yurub waxay ku guuleysatay saxiixa weeraryahanka waayo araga ah Edinson Cavani kaasoo si xor ah ugu biiray kooxda.

Cavani ayaa isaga tagay PSG dhamaadkii xilli ciyaareedkii la soo dhaafay ka dib markii uu dhacay qandaraaskiisa, wuxuuna heshiis hal sanno ah u saxiixay Man United isagoo qiyaar loo siiyay inuu sannad kale ku darsan karo.

Man United ayaa haatan shaacisay in Cavani lagu wareejiyay maaliyada caanka ah ee No.7 ee ay soo xirteen halyeeyada ugu magaca weyn kooxda.

Waxaa maaliyadaan soo xirtay halyaayada kooxda sida George Best, Eric Contona, David Beckham iyo Cristiano Ronaldo.

Laakiin tan iyo markii uu maaliyada ka tagay Cristiano Ronaldo, weli Manchester United ma aysan helin xiddig qaadi kara miisaanka uu leeyahay lambarkaan.

Alexis Sanchez iyo Memphis Depay ayaa ka mid ah xiddihii ku fashilmay laakiin Cavani ayaa haatan u xiran doona United.

Maaliyadaan ayay Man United u dhigeysay xiddiga Ingariiska ee Borussia Dortmund Jadon Sancho laakiin waa ay ku guuldareysteen inay soo xerogeliyaan xagaagan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More