Xiddig Si Lama Filaan Ah Loogu Wareejiyay Maaliyadii No.9 Ee

Ka dib markii uu xirmay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda Yurub, kooxda Barcelona ayaa shaacisay lambarada ay xiran doonaan ciyaartoydooda xilli ciyaareedkan 2020-21.

Lambarka sida weyn loo sugayay cida la siin doono waa maaliyada No.9 ee uu ka tagay Luis Suarez kaasoo xagaagan u wareegay kooxda Atletico Madrid.

Laakiin lambarkaan waxaa si lama filaan ah loo siiyay Martin Braithwaite kaasoo haatan xiran doona maaliyada No.9 ee uu ka tagay Luis Suarez.

Da’ yarka Ronald Araujo ayaa sii ceshtay maaliyadiisa No.4 madaama ay banaaneyd.

Riqui Puig ayaa isna sidoo kale helay lambar cusub isagoo xilli ciyaareedkan xiran doona maaliyada No.12 halka xiddiga ku soob biiray kooxda koowaad ee Matheus Fernandes uu sii heysan doono maaliyadiisa No.19.

Waa kan lambarada ay xiran doonaan ciyaartoyda Barcelona xilli ciyaareedkan:

Goolhayeyaasha

01. Ter Stegen 13. Net Murara

Daafacyada

02. Sergiño Dest 03. Gerard Piqué 04. Ronald Araújo 15. Clément Lenglet 18. Jordi Alba 20. Sergi Roberto 23. Samuel Umtiti 24 · Junior Firpo 

Khadadka Dhexe

05. Sergio Busquets06. Carles Aleñá08. Miralem Pjanic12. Riqui Puig14. Philippe Coutinho16. Pedri Rodríguez19. Matheus Fernandes21. Frenkie de Jong

Weeraryahano

07. Antoine Griezmann 09. Martin Braithwaite 10. Leo Messi11. Ousmane Dembélé 17. Francisco Trincao 22. Ansu Fati 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More