Browsing Category
Sports
Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.
Barcelona Oo U Dhaqaaqaysa Paul Pogba Oo Qirtay Jacaylkiisa
Kooxda ree Spain ee Barcelona ayaa la sheegayaa inay suurogal tahay inay saxeexa kubad sameeyaha Manchester United ee Paul Pogba u dhaqaaqi karto xilli uu dhawaan uun Pogba qudhiisu qirtay inuu doonayo ka ciyaarista Real Madrid oo ay xifaaltamaan.Xiddigan kusoo guuleystay koobka aduunka ayaa dhawaan riyadiisa ku tilmaamay inuu ku biiro Real Madrid mana aha markii ugu horreysay ee uu sidaas sameeyo.Laakiin sida uu hadda sheegayo wargeyska Mundo Deportivo, Barcelona qudheeda ayaa doonaysa saxeexa Pogba haddiiba uu heshiiskiisa…
20-ka Xiddig Ee Ugu Mushaharka Badan Premier League, Tirada
Waxa jira dhawr saxeex oo cajiib ah oo ay kooxaha Premier League sameeyeen maalmihii ugu dambeeyay ee suuqii dhawaan xidhmay, Tottenham ayaa dunida ka yaabsatay kaddib markii ay dhammaystirtay saxeexa Gareth Bale oo ay dib amaah ugaga soo qaadatay Real Madrid.Tottenham ayaa £220,000 kamida mushaharka Bale bixinaysa halka ay inta kale oo dhan dabarayso kooxda uu amaahda kaga soo maqan yahay ee Real Madrid.Waxa jira laba saxeex oo kale oo waaweyn oo la sameeyay maalintii ugu dambaysay suuqa waxaana kamid ah Edinson Cavani oo…
Laba Kamida Xiddigaha England Oo Laga Fasaxay Xulka & Mid
Xulka qaranka England ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in xulka laga fasaxay labada xiddig ee kala ah Benjamin Chilwell oo koox ahaan Chelsea ka tirsan iyo Kieran Trippier oo qayb ka ah kooxda ree Spain ee Atletico Madrid.Sida lagu shaaciyay warbixin rasmi ah oo kasoo baxday England, Trippier ayaa loo fasaxay sababo la xidhiidha arrimo shaqsi ahaaneed taas oo aan la shaacin balse lagu koobay inay tahay mid isaga khaas u ah.Dhinaca kale Chilwell oo sidoo kale seegay guushii soo laabashada ahayd ee England uu ka gaadhay dhigiisa…
N’Golo Kante Oo Chelsea Iskaga Tagaya, Sababta Qariibka Ah
Khadka dhexe ee kooxda Chelsea ee N’Golo Kante ayaa isha ku haya inuu gabi ahaanba iskaga tago kooxdaas xilli ay jiraan warar sheegaya inay isku dhaceen tababarahiisa Frank Lampard isaga oo waliba sii tilmaansaday kooxda uu doonayo.Kante ayaa kamida xiddigaha khadka dhexe ee dunida kubadda cagta kuwooda ugu wanaagsan waxaana uu haatan kula maqan yahay kulamada caalamiga ah dalkiisa France kahor kulanka adag ee ay Croatia la yeelan doonaan.Wargeyska ree France ee Le Parisien ayaa hadda shaaca ka qaaday sheeko lama filaan ah…
Liverpool & Manchester United Oo Ku Dagaallamaya Qorshaha
Liverpool iyo Manchester United ayay ka go’an tahay in la hirgeliyo qorshaha isbeddelka iyo dibu-qaabaynta loogu samaynayo horyaalka Premier League, kaas oo ay kasoo horjeedaan kooxaha yaryar, dawladda UK iyo maamulka Premier League oo u arkaya in duullaan lagu soo qaaday.Ra’iisal wasaaraha UK, Boris Johnson ayaa cambaareeyey qorshaha Project Big Picture ee ay soo diyaariyeen, dabadana ka riixayaan kooxaha Manchester United iyo Liverpool, kaas oo xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ee FA uu ku tilmaamay inay saamigooda…
“Waxaan Noqon Karayaa Neymar-ka Cusub, Laakiin Ma Doonayo
Rodrygo Goes waxa uu ka mid yahay ciyaartoyda ugu wanaagsan ee usoo baxaysa Real Madrid, waxaanu mar horeba muujiyey awooddiisa iyo hibadiisa ciyaareed oo gaadhsiisay heer uu u ciyaaro Real Madrid, sidoo kalena looga yeedho xulka qaranka Brazil oo uu Neymar garabkiisa istaago.Kaddib markii ay Real Madrid xili ciyaareedkiisii ugu horreysay ee uu soo galay Yurub ay geystay kooxdeeda da’yarta ee Real Madrid Castilla, waqti badan kumay qaadan in markiiba uu Zidane kasoo dallacsiiyo oo uu kooxda koowaad kusoo daro, waxaana uu ku…
Arsene Wenger Oo Saadaaliyey Xilliga Ay Arsenal Ku Guuleysan
Arsene Wenger ayaa saadaaliyey xilliga ay kooxdiisii hore ee Arsenal ku guuleysan karto horyaalka Premier League ee ay ugu dambaysay sannadkii 2003 oo uu isagu u qaaday, waxaanu qiray in hadda ay si layaab leh isku beddeshay kooxdu oo maalgelin cajiib ahna lagu sameeyey sannadihii ugu dambeeyey.Arsenal ayaa xili ciyaareedka ku bilaabatay qaab wanaagsan, waxaanay sagaal dhibcood ka urursatay 12 suurtogal ahaa, iyadoo kaalinta afraadna kaga jirta shaxda kala-horreyna kooxaha ee waqtigan, isla markaana saddex dhibcood oo kaliya…
Wixii Uu Gareth Bale Ku Sameeyay Tababarkii Ugu Danbeeyay Ee
Gareth Bale ayaa u muuqda mid ku jira xaalad aad u sareysa isagoo isku diyaarinaya inuu kulankiisii ugu horeysay u ciyaaro kooxda Tottenham tan iyo markii uu ku soo laabtay.Xiddiga reer Wales ayaa ku soo laabtay kooxda ka dhisan Waqooyiga London isagoo amaah uga soo tagay Real Madrid laakiin waxa uu kooxda yimid isagoo dhaawacan taasoo u diiday inuu ciyaaro ka hor kulamadii fasaxa kulamada heerka caalami.Si kastaba, Bale ayaa ka shaqeynayay inuu taam buuxda helo isbuucyadii la soo dhaafay isagoo wacdarro ka dhigay tababarkii…
Labo Ka Mid Ah Xiddigihii Waa Weynaa Ee Liverpool Ee Uu
Liverpool ayaa war farxad leh heshay maanta iyadoo Sadio Mane iyo Thiago Alcantra ay ciyaari karaan kulanka adag ee Merseyside Derby ee horyaalka Premier League.Labada ciyaaryahan ayaa ku soo laabtay maanta oo Isniin ah xarunta tababarka Liverpool ee Melwood ka dib markii laga waayay fayraska Korona oo ay karantiil ugu jireen muddo 10 maalmood ah.Labada xiddig ayaa laga helay Korona Fayras ka hor inta uusan Premier League hakad u gelin kulamada heerka caalami, waxayna sababtay inay seegaan kulamada xulalkooda.Thiago ayaa…
Muxuu Ahaa Sawirkii Uu Baraha Bulshada Soo Dhigay Xiddiga
Taageerayaasha Real Madrid ayaa farxad ka muujiyay sawir uu weeraryahan Erling Haaland soo dhigay baraha bulshada ka dib markii uu seddexleey u dhaliyay xulka dalkiisa Norway shalay oo Axad aheyd.Waxayaheyd markii ugu horeysay ee uu seddexleey ka dhaliyay tartan heer caalami ah iyadoo duufaanta xiddiga Borussia Dortmund ee kubada cagta ay weli socoto.Labo ka mid ah seddexdiisa gool waxaa caawiye ka ahaa xiddiga mustaqbalka weyn leh ee Real Madrid Martin Odegaard iyadoo Haaland uu u mahadceliyay saaxiibkiisa ay isku xulka…