Sannadka 2020 waxa uu ahaa mid adag oo ciyaaraha soo maray, waxaana saamayn weyn ku yeedhay dunida xanuunka Korona Fayraska oo dhaqaalaha hoos u dhigay.Kubadda cagta ayuu si weyn u saameeyey xanuunkaasi, waxaana albaabada loo laabay guud ahaan ciyaaraha muddo afar bilood ku dhow, iyadoo markii la ogolaaday in ciyaaruhu dib u bilaabmaanna la mamnuucay taageereyaasha oo aan illaa hadda kusoo noqonin horyaallada waaweyn.Arrimahani waxay saamayn ku yeesheen suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagii tegay oo sidii laga filayay ka…