Browsing Category
Sports
Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.
Real Madrid Oo Koox Ay Dunida Ku Qabsanayso Dhisaysa &
Kaddib markii uu suuqii xagaagu soo dhammaaday iyagoo aan gabi ahaanba wax lacag ah bixinin, Real Madrid ayaa la fahamsan yahay inay isku diyaarinayaan sanadka 2021 oo ay dhawr saxeex oo waaweyn suuqa ka doonayaan.Haatan liiska xiddigaha da’yarta ah ee ay kooxdaasi doonayso inay dunida ku maamusho sanadaha soo socda ayuu kusoo baxay Giovanni Reyna oo ah 17 sano jir hibo weyn leh oo Borussia Dortmund ka tirsan.Walow ay Haaland iyo Mbappe markasta ahaayeen xiddigaha bar-tilmaameedka ugu sarreeya usoo ahaa Los Blancos haddana…
Liverpool Oo Qarka U Fuushay Saxeexa Cristiano Ronaldo &
Kooxda ree England ee Liverpool ayaa la sheegayaa inay ahayd mid aad ugu kalsoon inay saxeexa Cristiano Ronaldo ku garaacday dhammaan kooxaha waaweyn ee Yurub sanadkii 2003 kahor intii aysan kooxda ay xifaaltamaan ee Man United kaga guuleysan.Sir Alex Ferguson ayaa deg-deg ugu dhaqaaqay saxeexa Ronaldo oo markaas da’yar Sporting Lisbon ka tirsan ahaa isaga oo 12.2 Milyan Pound kasoo bixiyay saxeexiisana kaga guuleystay kooxo ay kamid ahaayeen Barcelona, Arsenal iyo Juventus.Laakiin war haatan soo baxaya ayaa sheegaya in…
SADDEX Kamida Xiddigaha Ugu Muhiimsan Liverpool Oo Tababarka
SADDEX Kamida Xiddigaha Ugu Muhiimsan Liverpool Oo Tababarka. Kooxda Liverpool ayaa ah mid helaysa war wanaagsan kahor kulanka ay Sabtida booqanayso kooxda ay magaalo xifaaltamaan ee Everton ciyaar Merseyside Derby ah oo aad u xiiso badan.
Warka u wanaagsan Reds ayaa ah inay tababarka kooxdeeda kusoo noqdeen saddexda xiddig ee kala ah daafaca dhexe ee Joel Matip, garabka weerar ee Sadio Mane iyo waliba khadka dhexe ahna saxeexa cusub ee Thiago Alcantara.
Thiago iyo Mane ayaa labadaba lagu qasbay inay karantiin mudo…
“Mesut Ozil Waa Farshaxaniste Kubadda Ka Dareema
Adrian Durham ayaa ku eedeeyey tababare Mikel Arteta inuu gabay shaqiisii Arsenal oo uu ka faa’iidaysan kari la’yahay laacibka ugu tayada badan kooxdaas ee Mesut Ozil oo uu hadda ka shaqaynayo sidii uu uga caydhin lahaa kooxda.
Ozil oo ah ciyaartoyga ugu mushaharka badan Arsenal, toddobaadkiina u xaadira lacag dhan £350,000 Gini ayaan ciyaarin tan iyo bishii March, waxaana kaba sii daran in xataa aan lagu darin liiska kooxda ee inta badan ciyaaraha oo aanu kaydkana kasoo muuqan.
Arsenal ayaa raadinaysa si ay uga…
Kooxaha Liverpool, Man United, Barcelona, Chelsea oo kharash Galiyey
Manchester United ayaa xagaagan lacag £75 milyan oo Gini ah suuqa gelisay, waxaanay lasoo saxeexatay Donny van de Beek oo ay kusoo iibsatay £35 milyan oo Gini, Alex Telles oo ay £13.5 milyan oo Gini kagala soo wareegtay Porto iyo Amad Diallo oo ay £26.5 milyan oo Gini kusoo iibsadeen laakiin Old Trafford soo gaadhi doona bisha January ee sannadka cusub.
Lacagta United ay kharash garaysay ayaa waxa ka dhigaysaa kooxda saddexaad lacagtii ugu badnayd suuqa gelisay ee ciyaartooyo kusoo kharash garaysay.
Sida ay sheegtay…
Cristiano Ronaldo Oo Daawaday Tababarkii Xulka Qaranka
Cristiano Ronaldo ayay u muuqataa in xaaladdiisa caafimaad wanaagsan tahay, waxaanu daawaday tababrkii xulka qaranka Portugal uu samaynayay Salaasadii oo uu barandaha dhismaha uu deggan yahay, xilli uu go’doon ugu jiro xanuunka Korona Fayras oo ku dhacay.35 jirkan ayaa shalay la shaaciyey inuu hayo Korona Fayras, waxaana laga fasaxay xerada tababarka iyadoo uu gelayo karantiil muddo toban maalmood ah oo uu ku qaadanayo magaalada Lisbon, taas oo ka dhigan inuu seegayo ciyaarta qarankiisu Arbacada la ciyaarayo Sweden.Cristiano…
Neymar Jr Oo SADDEXLEY Ku Jabiyey Rikoodhkii Gool Dhalinta
Neymar ayaa ka dul-tallaabsaday rikoodhkii gool-dhalinta halyeygii Brazil ee Ronaldo Nazario, kaddib markii uu saddexlay cajiib ah ka dhaliyey xulka qaranka Peru oo ciyaar dhamaatay saaka waaberigii ay ku garaaceen 4-1.Xiddiga PSG ayaa qaybtii hore ku furtay gool-dhalinta rikoodhe uu xulkiisa hoggaanka ugu dhiibay, isla markaana ku qasbay inay dib ugu fadhiistaan kuraastooda reer Peru oo joogay caasimaddooda Peru oo u dagaallamayay inay guuleystaan si ay ugu soo bixi karaan koobka adduunka ee 2022 lagu qaban doono waddanka…
Ukraine Oo Garaacday Spain, Jarmalka Oo Guul Loo Diiday Iyo
Xulka qaranka Spain ayaa guul-darro lama filaan ahi kasoo gaadhay ciyaar ay marti ugu ahaayeen Ukraine oo ka tirsanayd tartanka UEFA Nations League, taas oo ay kala soo laabteen khasaare.Tababare Luis Enrique ayaa ka hor tegay Andriy Shevchenko oo ah macallinka xulka Ukraine, waxaana kulankan oo uu kusoo bilowday Sergio Ramos uu isbeddel badani ka muuqday ciyaartoyda Spain oo xiddigihii ruug-caddaaga ahaa ay qaar badan oo ka mid ahi kaydka ku jireen.Sergio Busquets iyo Sergi Roberto ayay ciyaartu u dhamaatay iyagoo kaydka…
Wayne Rooney Oo Kala Doortay Midka Fiicnaa Paul Scholes,
Wayne Rooney ayaa kala doortay xiddigihii xulka qaranka England ee Paul Scholes, Frank Lampard iyo Steven Gerrard oo muddooyin ay garoomada ku jireen si weyn ugu soo xafiiltamay iyagoo kala metelaya Manchester United, Chelsea iyo Liverpool.Rooney oo ah kabtanka kooxda Derby County ee ka dhisan waddanka Ingiriiska ayaa kasoo garab ciyaaray kabtanka hore ee Liverpool ee Steven Gerrard iyo halyeyga Chelsea ee Lampard oo haddana tababare u ah Blues oo xulka qaranka England ay u wada ciyaareen, halka Paul Scholes ay waqti badan…
Zinedine Zidane Oo Helay Xogtii U Dambaysay Ee Dhaawaca
Real Madrid ayaa ogaatay xaaladda dhabta ah ee dhaawacii soo gaadhay goolhayaheeda Thibaut Courtois oo garoonka laga saaray xilli uu tababar la qaadanayey xulka qaranka Belgium.Courtois oo laf-dhabar u ah Real Madrid ayaan si dhab ah hore loogu shaacinin muddada uu garoomada ka maqnaan doono iyadoo uu dhaawacuna kasoo gaadhay muruqa lugta hoose oo booday xilli uu tababarka ku jiray, taas oo Los Blancos ku noqotay naxdin maadaama ay ciyaaro adag kusoo fool leeyihiin.Zinedine Zidane ayaa xiddigaha kooxdiisa u ciyaarinaya…