Ole Gunnar Solskjaer Oo Lagula Taliyey Inuu

Ole Gunnar Solskjaer ayaa lagula taliyey in uu u dhaqaaqo sidii uu Old Trafford u keeni lahaa weeraryahanka reer Argentina ee Sergio Aguero oo afka hore uga ciyaara naadiga ay deriska yihiin ee Manchester City.

Sida uu sheegay Paul Ince, Ole Gunnar Solskjaer ayay tahay in uu qaado tallaabadii uu hore u sameeyey Sir Alex Ferguson oo keenay Old Trafford halyeygii reer France ee Eric Cantona oo isku qoray taariikhda kooxda sannadihii uu xidhnaa garanka guduudan.

Manchester United ayaa u baahan weeraryahan toos ah iyadoo xagaaga uu ka tegayo Edinson Cavani oo sannadkii qandaraaskiisu uu dhamaanayo, go’aanna ku gaadhay in aanu sii joogin, waxaana Ole Gunnar Solskjaer uu ku qasbanaanayaa inuu suuqa u galo sidii uu ula soo saxeexan lahaa dhaliye dabiici ah.

Sergio Aguero ayaa si bilaash ah ay ku heli karaysaa Manchester United maadaama dhamaadka xilli ciyaareedkan uu xor ka noqonayo Manchester City oo uu heshiiskiisu ku egyahay bisha June.

Paul Ince oo warbaahinta la hadlay ayaa Solskjaer u sheegay in aanu waqtiga iska lumin e uu si degdeg ah uga hawl-galo sidii uu Aguero u keeni lahaa kooxdiisa, waxaanu yidhi: “Sergio Aguero wuu ka tegayaa Man City, maxay tahay sababta aanayy United ugu dhaqaanayn isaga?

“Hadda ayaad arki karaysaan; haddii uu doonayo inuu sii joogo Premier League oo uu kusii noolaado Manchester, ma noqonayso arrin xun haddii United ay u dhaqaaqdo oo ay soo qaadato Aguero.

“Sidan oo kael ayaa nagu dhacday sannadkii 1992ki markii uu Howard Wilkinson uu wax ka weydiiyey Sir Alex Ferguson laacibka Denis Irwin. Fergie wuxuu sheegay in aanay jirin wax fursad ah, waxaanu soo jeediyey in Leeds ay ka iibiso Cantona, maalmo kooban ayaanu heshiisku ku dhacay.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More