“Neymar Waa Doqon Dhab Ah” Daafac Dhulka La Galay Neymar JR

Daafaca xulka qaranka Peru ee Carlos Zambrano ayaa banaanka keenay sida uusan ula dhacsanayn weeraryahanka xulka Brazil ee Neymar JR kaddib kulankii isreeb-reebka koobka aduunka ee ay labada dal wada yeesheen Salaasadii.

- Advertisement -

Brazil ayaa guul 4-2 ah ka gaadhay Peru xilli xulka Samba uu natiijo dib u dhac ah laba jeer kasoo laabtay iyadoo uu saddexley goolal ah oo laba rigoorayaal yihiin dhaliyay Neymar.

Kulankan oo ahaa ku celiska Final-kii Copa America ee sanadkii hore ayay markale Brazil garaacday Peru, goolasha uu soo dhaliyay Neymar ayaa ahaa kuwo ka caawiyay inuu noqdo gool dhaliyaha labaad ee abid ugu sarreeya dalkiisa isaga oo dhaafay Ronaldo Nazario.

Zambrano ayaa kaadhka cas loo taagay daqiiqadii ugu dambaysay ee kulankii Salaasadii xilli saddex daqiiqo kahor casaan kale la siiyay Carlos Caceda oo isla Peru ka tirsanaa.

Daafaca ree Peru oo ka hadlay Neymar kulanka kaddib ayaa sheegay inuu yahay ciyaaryahan wanaagsan balse uu isagu doqon dhab ah u yaqaano isaga oo ku eedeeyay inuu is tuur-tuurayay oo uu rigoore raadis ahaa.

“Daacadii isagu waa ciyaaryahan cajiib ah, mid kamida kuwa ugu wanaagsan dunida laakiin aniga ahaan isagu waa doqon dhab ah” ayuu Zambrano u sheegay La banda del Chino

“(Neymar) wuu ka warqabaa waxkasta oo uu garoonka dhexdiisa ka sameeyay, isagu waa ciyaaryahan cajiib ah balse waxa uu raadinayay qaladka (Foul) ugu jilicsan”

“Xerada ganaaxa dhexdeeda wuxuu isku tuuray afar ama shan jeer si uu u arko haddii ay rigoore ku abaalmarin doonaan ugu dambayna ujeedkiisii laba rigoore ayuu ku gaadhay laakiin ma aysan ahayn”

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More