Neymar Oo Xaniinyaha Qabtay McTominay – AxadleTM.net

Xiddiga reer Brazil ee Neymar Jr ayaa xiniinyaha qabtay laacibka Manchester United ee McTominay, sida uu sheegay tababare Ole Gunnar Solskjaer.

Tababaraha Manchester United ayaa soo bandhigay sida uu uga niyad-jabsan yahay ficilka uu sameeyey Neymar, waxaanu ku eedeeyey in laacibkani uu sameeyey fal anshax xumo ah.

Manchester United oo garoonkeeda Old Trafford ku ciyaaraysay ayaa awoodi kari wayday inay iska dhiciso PSG oo ku garaacday 3-1, isla markaana ka hor joogsatay fursad ay Red Devils ugu gudbi lahayd wareegga 16ka tartanka Champions League.

PSG ayaa hadda haysata fursadda ugu wanaagsan ee ay ugu gudbayso wareegga xiga, waxaanay ciyaarta ugu dambaysa waajahaysaa Istanbul Basaksehir, halka Manchester United ay u safri doonto waddanka Jarmalka oo ay u tegi doonto RB Leipzig oo ay uga baahan tahay inay ugu yaraan barbarro lasoo gasho, si ay usoo bixi karto.

Intii ay socotay ciyaarta xalay, waxa garoonka ka dhacay laba dhacdo oo soo jiitay indhaha, waxaanay midda hore ahayd Fred oo hidh ku dhuftay Paredez balse kaadh digniin oo kaliya la siiyey xilli uu u qalmayay casaan.

Ficilka labaadna wuxuu ahaa inay isku dhaceen Neymar iyo McTominay.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa xaqiijiyey in Neymar uu xiniinyaha qabtay McTominay, waxaanu yidhi: “Ma doonayo inaan ka hadlo ciyaartoyda kooxda naga soo horjeedda. Ciyaaryahannadaydu way ogyihiin qiyamkayga. Waxaan doonayaa inaan daacad u noqdo ciyaartoyda.

“Scott wuxuu ku dhacayey dhulka markii uu Neymar xiniinyaha qabtay, mana doonayo inay waxaas oo kale dhacaan.”

Labada ciyaartoy ayaa muran kulul dhex maray kaddib dhacdadan oo timid in Neymar oo dhulka ku dhacay xilli uu laacibka reer Scotland u muuqday inuu ku istaagay Neymar.

Neymar ayaa ahaa xiddiga garoonka ee PSG ku hoggaamiyey guusha waxaanu dhaliyey laba ka mid ah saddexda gool ee ay kooxdiisa guushu ku raacday.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More