Naby Keita Oo Kusii Jeeda Spain, United Oo Qasnaddeeda U Jabinaysa
Suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga ayaa furmi doona horraanta bisha June ee foodda innagu soo hayso, waxaana haddaba lasii helayaa xogta xiddigaha ay kooxaha waaweyn isku dayi doonaan in ay lasoo saxeexdaan.
Wargeysyada waaweyn ee Yurub ayaa si joogto ah usoo bandhiga wada-hadallada, qorsheyaasha iyo xanta suuqa, waxaana maanta oo Jimce ah qodobbadii ugu waaweynaa ee ay qoreen ka mid ahaa:
Tababaraha Atletico Madrid ee Diego Simeone ayaa taageere weyn u ah laacibka khadka dhexe uga ciyaara Liverpool ee Naby Keita oo 26 jir ah, waxaanu xiisaynayaa in xagaagan uu lasoo wareego xiddiga reer Guinea. (Star)
Leicester Metropolis waxay xiisaynaysaa difaaca bidix ee Southampton iyo xulka qaranka England ee Ryan Bertrand. 32 jirkan ayuu heshiiskiisu ku egyahay dhamaadka xilli ciyaareedkan, waxaanu soo afjarayaa toddoba sannadood oo uu u ciyaarayay Saints. (Leicester Mercury)
Manchester United ayaa la fahamsan yahay in ay diyaarinayso £68 milyan oo Gini oo ay ku doonayso laacibka khadka dhexe uga ciyaara Atletico Madrid ee Marcos Llorente, kaas oo ay kooxdiisuna dedejinayso wada-hadallo ay doonayso in ay qandaraas cusub kaga saxeexdo, si aanu uga tegin. (Mirror)
Miyuu Benjamin Mendy oo 26 jir ahi tegayaa Chelsea? Difaaca bidix ee Manchester Metropolis ayaa waxa magaciisu uu kasoo muuqday liiska ciyaartoyda ay Chelsea ay doonayso. (MEN)
Difaaca kooxda RB Leipzig ee Dayot Upamecano oo 22 jir ah, kuna biiri doona Bayern Munich oo ka bixisay £38 milyan oo gini, ayaa waxa uu sheegay in uu iska diiday dalab uu ka helay Manchester United markii ay da’diisu ahayd 17 jirka. (The Athletic)
Tottenham ayaa lagu soo warramayaa in ay rajaynayso in ay ku qanciso difaaca dhexe ee Denmark ee Joachim Anderson oo 24 jir ah, in uu kooxdooda yimaaddo, iskana diido Liveprool. Laacibkan ayaa xilli ciyaareedkan amaah ugu ciyaaray Fulham isagoo uga yimid Lyon. (BT)
Halyeygii hore ee khadka dhexe ee Barcelona ee Xavi ayaa qandaraas cusub u saxeexay kooxda reer Qatar ee Al-Sadd, waxaanu tababare usii ahaan doonaa ilaa 2023. Arrintan ayaa jug weyn ku ah Joan Laporta oo raadinaya beddelka Ronald Koeman oo la filayo in shaqada laga caydhiyo. (Mail)
Leeds United waxay tartan kula jirtaa AC Milan oo ay ku loollamayaan 26 jirka khadka dhexe uga ciyaara Udinese ee Rodrigo De Paul, laakiin Liverpool ayaa sidoo kale xiisaynaysa laacibkan reer Argentina. (Il Milanista)
Halyeygii Arsenal ee Ian Wright ayaa rumaysan in kooxdiisa hore ee Gunners aanay rasmi u beddeli doonin heshiiska amaahda ah ee Dani Ceballos ay kaga soo qaadatay Actual Madrid. (Metro)
Goolhayaha Wolves ee Rui Patricio oo reer Portugal ah ayay heshiiskiisa Molineux ay ka hadhsan yihiin 12 bilood oo kaliya, waxaana hadda bartilmaameed ka dhigatay Roma oo dhowaan magacowday Jose Mourinho. (Calciomercato)
Hooyada dhashay Cristiano Ronaldo ee Dolores Aveiro ayaa sheegay in wiilkeedu uu xagaagan tegi doono kooxda reer Portugal ee Sporting Lisbon. (Guardian).