Muxuu Yahay Rekoodhka Aanu Abid Cristiano Ronaldo Ku Hor

Kooxaha Juventus iyo Barcelona ayaa markale habeen dambe ku kulmaya gegida Camp Nou kulanka ugu dambeeya ee wareega Group-yada Champions League xilli ay labada dhinacba hore iskaga xaadiriyeen wareega 16-ka.

Kulankaas ayaa noqon doono mid markale lagu raaxaysan doono iska hor imaadka Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi, kulankii hore ee Allianz Stadium ayaysan mucaashaqiinta kubadda cagtu helin fursadaas maadaama Ronaldo uu ku seegay sababta xanuunka Korona Fayras.

Mid kamida waxyaabaha indhaha lagu hayn doono habeen dambe ayaa ah in Ronaldo uu gaadhi doono taariikhda uusan hore u samaynin ee ah inuusan isaga oo Lionel Messi kahor tagaya wali gool Champions League ah dhalinin.

Ronaldo ayaa guud ahaan 750 gool soo dhaliyay xirfadiisa ciyaareed sidoo kalena rekoodhka abid ee gool dhalinta Champions League ku haysta 132 gool balse goolashaas ayuusan midna ka dhalinin isaga oo tartanka Leo kaga hor tagaya.

Haddiiba uusan wali Ronaldo gool ka dhalinin kulan CL ah oo uu Messi kahor tagayo, taas bedelkeeda 33 sano jirka Barca ayaa 3 gool kasoo dhaliyay shan kulan oo Champions League ah oo uu Ronaldo wajahay.

Labada halyeey ayaa kulmaya markoodii ugu horreysay tan iyo sanadkii 2018 markaas oo uu Ronaldo ka hayaamay Juventus una wareegay dhinaca Juventus.

Ugu dambayn, Messi iyo Ronaldo ayaa guud ahaan 33 kulan iska hor yimid waayahooda ciyaareed, Messi ayaa  15 kamida soo guuleystay isaga oo 21 gool dhaliyay halka uu Ronaldo 9 kamid ah soo guuleystay isagoo 18 gool soo dhaliyay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More